4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 16, 2012
Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya oo sheegay in Marxaladda kala guurka ay heer gabo-gabo ah marayso
Isniin, July 16, 2012 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, C/wali Maxamed Cali ayaa sheegay inay heer gabo-gabo ah marayaan howlaha looga gudbayo xilliga KMG ah ee Soomaaliya, isagoo sheegay inuu rajo wanaagsan ka qabo in howshan ay ku dhammaanto xilligii loo qabtay.

Xukuumadda KMG ah ayaa wuxuu waqtigeedu ku eg-yahay 20-ka bisha Ogoosto ee soo socota taasoo ay naga xigto muddo 35-maalmood ah, iyadoo ra'iisul wasaaruhu ku adkeystay inaysan filayn inay dib uga dhacaan waqtigaas.

"Heshiiska Roadmap-ka wuxuu ahaa bilowga qorshaha kala guurka ee dalka looga saarayo KMG-nimada, qodobbada uu heshiiskan ka kooban yahay guulo la taaban karo ayaa laga gaaray," ayuu yiri ra'iisul wasaaraha Soomaaliya.

Sidoo kale, ra'iisul wasaaruhu wuxuu sheegay in dastuurka ay soo gabgabeyn doonaan maalmaha soo socda, isagoo xusay in odayaasha dhaqanka ay maalmaha soo socda kusoo gudbin doonaan liiska ergooyinka laga sugayo.

"Bishan 19-keeda ayaan rajeynaynaa in lasoo gudbiyo liiska ergada, waxaana 21-ka isla bishan furmi doona shirka... haddii la helo 180-xubnood waa furmi karaa shirku, muddo todobaad ayuu soconayaa," ayuu ra'iisul wasaaruhu hadalkiisa ku daray.

Ansixinta dastuurka kaddib ayuu ra'iisul wasaaruhu sheegay in lasoo xuli doono xildhibaannada cusub ee baarlamaanka kuwaasoo bedeli doona kuwa hadda jira, isagoo xusay in odayaashu ay garanayaan xubnaha ay soo xulayaan.

"Markii lasoo xulo xildhibaannada baarlamaanka cusub waxay dooran doonaan afhayeenka iyo ku xigeennadiisa, waxaana raaci doonta doorashada madaxweynaha cusub ee Soomaaliya," ayuu yiri ra'iisul wasaaraha Soomaaliya.

Inkastoo uu dib u dhac ku yimid shirka odayaasha, ayna jiraan muranno ku saabsan dhinaca dastuurka oo ay odayaashu qabaan in qaar ka mid ah qodobbadiisa la saxo ayaa haddana madaxda dowladda KMG ah waxay ku adkeysanayaan in 20-ka bisha Ogoosto ee sannadkan lasoo afjaro xilliga KMG ah ayna Soomaaliya marxalad cusub gasho.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya