4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 15, 2012
Dagaal khaasaare geystay oo Booliiska Itoobiya iyo dad Muslimiinta ah ku dhexmaray Magaalada Addis Ababa
Axad, July 15, 2012 (HOL) — Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay, 16-qof oo kalena way ku dhaawacmeen iska-horimaadyo bartamaha magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ku dhexmaray salay oo Sabti ahayd booliiska federaalka dalkaas iyo kooxo muslimiin ah.

Iska-horimaadyadan oo ka dhacay shan xaafadood oo ku yaalla Addis Ababa ayaa qarxay markii booliiska feberaalka Itoobiya ay gudaha u galeen masjid xaafadda Markaato ee bartamaha Itoobiya; kaasoo ay ku cibaadeysanayeen muslimiin fara badan; sida uu saxaafadda u sheegay Axmedin Jebel oo ka mid ah wakiillada majidka Awalia oo ay booliisku galeen.

"Booliisku waxay jabiyeen albaabbadii masjidka waxayna u soo galeen gudaha, taas ayaana muslimiintu ka caroodeen," ayuu yiri Axmediin. "Booliisku dad badan oo masjidka ku jiray ay weerareen - qaarkoodna way xirneen."

Muslimiin badan oo ka carooday ficilka ay booliisku ku dhaqaaqeen ayaa rabshado ka billaabay agagaarka masjidka iyo xaafado ka tirsan Addis Ababa, iyadoo taasi ay keentay in ciidamada booliisku federaalka Itoobiya ay rasaas ku jawaabaan.

Shacabka dalka Itoobiya oo tiradoodu gaarayso 94-milyan oo qof ayay muslimiintu ka yihiin 34%. Mas'uuliyiinta masaajidka ay ciidamadu galeen  ayaa u sheegay inay ciidamadu ku eedeeyeen muslimiintii masjidkaas ku jiray inay isku dayayeen inay carqaladeeyaan shirka Midowga Afrika.

Wasiirka warfaafinta Itoobiya, Shimeles Kemal ayaa sheegay in 72-qof la xiray, lix booliis ah iyo 10-qof oo shacab ahna ay ku dhaawacmeen, isagoo xusay in rabshaduhu ay qarxeen markii dadweyne careysan ay xireen jidadka ayna dhagaxaan ku tuureen sawirrada jidadka ku yaallay.

"Askarta booliiska ah waxay ku dhaawacmeen dhagaxaan ay tuureen dadkii isku soo xoomay," ayuu yiri wasiirka. "Waxaa la isku dayay in rabshadaha lagu faafiyo meelo kale balse booliiska ayaa arrintaas ka hortagay."

Booliiska feberaalka Itoobiya ayaa la sheegay inay muslimiinta careysan ku rideen rasaas nool, sidoo kalena ay ku fureen sunta dadka ka ilmeysiisa si ay u kala eryaan iyadoo rasbshadahan ay ahaayeen kuwo xooggan.

"Shacabka muslimiinta ah waxay maanta oo Axad ah isugu yimaadeen illinka hore ee masjidka iyagoo dalbanaya in lasii daayo dadkii shalay la xirxiray," ayuu yiri Axmedin oo ka mid ah mas'uuliyiinta masjidka Awalia.

Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in afar qof oo shacab ah ay ku dhinteen dagaal ku dhexmaray deegaanka Oromada ee dalka Itoobiya 27-kii bishii Abriil, kaddib markii ay isku dhaceen muslimiin dalbanayay in lasii daayo nin daaci ah oo ay ciidamadu xireen.

Rabshadahaas ayaa waxaa ku dhaawacmay 10 ka mid ah ciidamada booliiska, sidoo kale waxaa dab la qabadsiiyay saldhig booliis iyo xarun boosto, sidoo kale waxaa la xiray 24-qof.

Shirkii madaxda Afrika ayaa ka furay Addis Ababa maanta oo Axad ah iyadoo aysan jirin wax rasbshado ah oo dhacaya, waxaana madaxda Afrika lagu wadaa inay ku doortaan shirkooda guddoomiyaha guddiga Ururka Midowga Afrika.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya