4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 15, 2012
Xarakada Al-shabaab oo guulo ka sheegatay Weerarro ay ku qaadday Ciidanka DKMG iyo kuwa Itoobiya iyo AMISOM

Axad, July 15, 2012 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa guulo ka sheegatay iska-horimaadyo ka dhacay deegaanno ka tirsan gobollada Bakool iyo Shabeellada Hoose iyo waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye.

Afhayeenka ciidamada Al-shabaab, Sheekh C/casiis Abuu-Muscab ayaa sheegay in weerarradaas ay ahaayeen kuwo gaadmo ah ayna ku dileen ciidammo isugu jira Soomaali iyo Itoobiyaan.

"Mujaahidiintu waxay weerareen xero ay hubka ku kaydsan jireen ciidamada DKMG ah oo ku taalla duleedka degmada Afgooye; waxaana halkaas ku gubtay hub iyo rasaas taallay, saadkoodiina wuu ku gubtay," ayuu yiri Sheekh Abuu-Muscab.

Sidoo kale, afhayeenku wuxuu sheegay inay ku weerareen ciidamada Itoobiya meel ku dhow degmada Xudur oo lagu magacaabo Abaq-galoole, isagoo sheegay inay ka yimaadeen ciidamadaas degmada Xudur ayna u socdeen qaybaha kale ee gobolka.

"Waxayna mujaahidiintu ka warheleen in ciidamada Itoobiya ay kasoo baxeen degmada Xudur oo ay go'doon ku ahaayeen isla markaana ay isgaarsiinta jareen, balse waxaa lagu helay deegaanka Abaq-galoole oo 20-KM u jira Xudur, halkaasna khasaare xooggan ayaa lagu gaarsiiyay," ayuu yiri afhayeenka ciidamada Al-shabaab.

Sheekh Abuu-Muscab wuxuu sidoo kale sheegay in weerar ay ku qaadeen gaadiid ay wateen ciidamada AMISOM oo marayay inta u dhexeysa Muqdisho iyo Afgooye, kuwaasoo uu ku sheegay inay ahaayeen ciidanka Burundi ayna ka gubeen mid ka mid ah gaadiidka gaashaaman ee Tawga loo yaqaan.

Afhayeenka Al-shabaab ma uusan sheegin tirada askarta ay weerarradaas ku dileen iyo khasaaraha dhankooda soo gaaray, iyadoo sidoo kalena aysan jirin wax war ah oo ku saabsan weerarradan ay guulaha ka sheegatay Al-shabaab oo kasoo baxay DKMG ah.

Xarakada Al-shabaab ayaa weerarro gaadmo ah dhowr jeer la beegsatay ciidamada DKMG ah iyo kuwa caawinaya ee ku sugan Bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya, inkastoo aysan laga qabsaday dhul ballaaran tan iyo sannadkii hore dhammaadkiisa.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya