4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 14, 2012
Orodyahannada Soomaaliya uga qaybgalaya ciyaaraha Olombikada Adduunka oo rajo ka muujiyay inay guulo kasoo hoyn doonaan

Sabti, July 14, 2012 (HOL) — Iyadoo lagu wado in dhammaadka bishan uu ka furmo magaalada London ee dalka Britain ciyaaraha olombikada dunida ayaa Soomaaliya waxay nasiib u yeelatay inay ka qaybgasho ciyaarahan, waxayna sheegeen orod-yahannada ku ordaya magaca Soomaaliya inay natiijo wanaagsan kasoo hoyn doonaan ciyaarahaas.

Soomaaliya sida dalalka kale ee dunida oo kale waxaa uga qaybgalaya ciyaaraha olombikada laba ruux oo wiil iyo gabar ah, kuwaasoo lagu wado inay dhawaan u dhoofaan magaalada London si ay u matalaan Soomaaliya.

"Dalka aSoomaaliya kama aysan jirin dowlad shaqeynaysa muddo 20-sano ka badan laakiin rajadu waa mid wanaagsan... guulo ayaana kasoo hoyn doonnaa ciyaaraha oloymbikada," ayay tiri Zamzam Maxamuud Faarax oo 18-jir ah una ordayda dalka Soomaaliya.

Muddadii ay dagaallada ka socdeen Soomaaliya ayaa waxaa lagu guul-darreystay in loo dhiso dowlad rasmi ah, balse iyadoo aan la ogeyn sida uu xaalku nqoon doono waxaa hadda jirta rajo wanaagsan oo ku aaddan in Soomaaliya ay ka baxdo dowlad la'aanta.

Tababaraha orodyahannada Soomaaliyeed, Axmed Cali Abiikar oo isaga qudhiisa u soo orday Soomaaliya ayaa sheegay inuu rumeysan yahay in orodyahannadan ay bedeli doonaan fikirkii ay dunidu ka qabto Soomaaliya, kuwaasoo ay ka mid yihiin: dagaallo, macluul, abaaro iyo burcadbadeed.

"Niyaddeennu waa mid wanaagsan, waxaana doonaynaa inaan qof walba tusno in Soomaaliya ay weli ka nooshahay dhinaca ciyaaraha," ayuu yiri Abiikar oo intaas ku daray inuu ku kalsoon yahay in orodyahannada loo xulay inay dalka Soomaaliya ku metelaan ciyaaraha Olombikada ay lasoo laaban doonaan natiijo wanaagsan.

Sidoo kale, tababare Abiikar wuxuu sheegay in cayaarhanannada Soomaaliyeed ay muddo dheer helin wax qalab ah, maadamaa dalkooda ay dagaallo ka jireen, balse ay doonayaan inay rajadii Soomaaliya ee dhinaca olombikada ay dib u soo nooleyn doonaan.

"Ma lihin dhakhtar daweeya ciyaaryahannada haddii ay xanuunsadaan, waxaan u dirnaa goobaha caafimaadka ee Muqdisho," ayuu yiri tababaraha orodyahannada Soomaaliya ku matalaya ciyaaraha Olombikada.

Lixdii bilood ee ugu dambeysay ayaa waxaa xero ku taalla Muqdisho tababarro ku qaadanayay afar dhallinyaro Soomaaliyeed ah, kuwaasoo kala ahaa laba wiil iyo laba gabdhood iyadoo laga qaatay laba ruux oo kala ah wiil iyo gabar da'doodu kala tagay 18-sano iyo 20-sano.

Faarax oo ka mid ah orodyahannada Soomaalida ayaa sheegay in xoogag ka tirsan Al-shabaab ay ugu hanjabeen inay dili doonaan haddii uu ciyaaraha joojin waayo, isagoo xusay in markaas kaddib uu si hoose u tababaran jiray.

"Shacabku inta badan kuma faraxsana dharka ciyaaraha ee aan xirannahay - balse innagu ma doonayno inaan weligeen dhigno," ayay tiri Amaal Bashiir oo ka mid ah orodyahannada Soomaaliyeed.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya