4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 13, 2012
Dabley hubeysan oo saraakiil ka tirsan Booliiska Kenya ku toogtay Deegaan ku dhow degmada Mandheera ee dalka Kenya

Jimco, July 13, 2012 (HOL) — Dabley hubeysan ayaa toogasho ku dhaawacay laba ka mid ah saraakiisha booliiska Kenya oo ku sugnaa deegaan ku dhow degmada Mandheera ee gobolka Waqooyi-bari ee dalka Kenya aroonimadii shalay oo Khamiis ahayd.

Saraakiishan ayaa waxay kasoo laabteen degmada Gaarisa ee dalka Kenya, markii ay kooxaha hubeysani ku weerarayeen deegaanka Carabiya oo dhowr kiiloo-mitir u jirta soohdinta ay wadagaaan Soomaaliya iyo Kenya.

Weerarkan ayaa waxaa ka badbaaday taliye ku xigeenkii ciidanka booliiska deegaanka uu weerarku ka dhacay oo lagu magacaabo, John Mbaluka, wuxuuna u sheegay warbaahinta in kooxaha weerarka geystay ay ahaayeen dhowr qof ayna baxsadeen weerarka kaddib.

"Saraakiisha lagu dhaawacay weerarka waxaa lagu wadaynayaa isbitaalka guud ee degmada Mandheera," ayuu yiri sarkaal sare oo u hadlay booliiska gobolka Waqooyi-bari ee dalka Kenya.

"Dableydu waxay ahaayeen koox dhowr qof ka kooban, waxay nagu fureen rasaas wayna baxsadeen, runtii waxaan ahay qof nasiib badan haddii aan ka badbaaday weerarkaas," ayuu yiri Mbaluka.

Labada sarkaal ee dhaawacmay ayaa midkood wuxuu waday gaariga la weeraray halka midka kalena uu gaariga saarnaa.

Weerarrada lala beegsanayo ciidamada ammaanka Kenya ayaa aad ugu kordhaya deegaannada ku dhow soohdinta ay wadagaan Soomaaliya iyo Kenya, iyadoo ay ciidamada Kenya ay gudaha Soomaaliya kula dagaalamayaan Xarakada Al-shabaab.

Toddobaad ka hor ayay ahayd markii 17-qof oo ay ku jireen laba sarkaal oo booliiska Kenya ka tirsan lagu dilay weerar lagu qaaday kaniisado ku yaalla magaalada Gaarisa ee xarunta gobolka Waqooyi-bari ee dalka Kenya, iyadoo ay weerarkaas ku dhaawacmeen 50-meeyo qof oo kale.

Ma jirto cid loo xiray weerarka lagu dhaawacay saraakiish iyo weliba cid sheegatay inay mas'uul ka tahay, inkastoo saraakiisha booliiska Kenya ay ku eedeeyeen inay ka dambeyso Xarakada Al-shabaab.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya