4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 12, 2012
Xisbiga UCID iyo garabkii ka go'ay Xisbiga UDUB oo Heshiis kala saxiixday, Musharax Madaxweyne u doortay Siyaasi ku Cusub Xisbigaasi

Khamiis, July 12, 2012 (HOL) — Garab ka soo go’ay xisbiga UDUB ayaa maanta ku biiray xisbiga mucaaradka ah ee UCID, ka dib marii khilaaf ba’an soo kala dhexgallay xisbiga UDUB, taas oo ku keentay inuu laba kooxood u kala jabo.

Munasibad aad u balaadhan oo lagu kala seexanayey heshiishka labadda dhinac ayaa maanta lagu qabtay Hotel Ambassador ee magaaladda Hargeysa, waxaana Garabkan cusub ee ka soo baxday xisbiga UDUB hogaaminaya siyaasiga da’dayar ee Jamaal Cali Xuseen, waxaana garabkan iyo xisbiga UCID kala sexeexdeen heshiish, ah in golaha dhexe ee xisbiga UCID si siman u qaybsaman labadda dhinac, in musharaxa madaxweyneha ee xisbiga UCID uu noqdo Jamaal Cali Xuseen, in guddoomiyaha xisbiga UCID uu ahaa Eng: Faysal Cali Waraabe, in shirweyne gole dhexe oo aan caadi ahayn la qabto, in gudoomiyeyaasha laamaha iyo garabyada uu xisbigu ka kooban yahay ay si siman u qaybsadaan, in musharaxa madaxweyne ku xigeenka ay labadda dhinac ka wada tashadan ciddii noqon lahayd iyo in gudoomiye ku xigeenka 3aad ee xisbiga uu noqdo garabka Jamaal Cali Xuseen.

Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng: Faysal Cali Waraabe ayaa soo dhoweeyey ku soo biiritaanka Jamaal Cali Xuseen iyo garabkiisa, waxaanu sheegay in xisbiga la dardar galin doono, isla markaana dhiig cusub lagu shubi doono maadaama oo uu muddo badan soo hogaaminayey, xisbiguna u baahday dhalinyaro cusub oo hogaanka u qabata.


Sidoo kale, waxa isna halkaasi ka hadlay musharaxa madaxweyne u noqon doono xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen oo sheegay markii xisbigoodii uu muran ka bixi waayey uu door biday inuu xisbiga UCID usoo wareego, isla markaana aqoontiisa iyio kartidiisa ku soo biiriyo xisbigan UCID oo uu sheegay inuu u arko xisbi mar walba u taagan badbaadinta Somaliland, markasta oo khilaaf soo kala dhexgalo siyaasadda hormood ka noqdo inuu tanaasulo, sidaa darteed uu isna ka soo tanaasulay xisbigii UDUB ee uu ka mid ahaa ka dib markii uu khilaaf ka soo bixi waayey xisbigu.

Jamaal Cali Xuseen ayaa hore xisbiga UDUB isku soo taagay musharax madaxweyne, taasina waxay keentay in xisbiga la isku qabto laba garabna u  kala jabo, isla markaana maxkamadda la isla galo, iyadoo maxkamadda dastuuriga ahina u xukuntay gudoomiyaha xisbiga UDUB Daahir Rayaale Kaahin, taasina ay keentay in hamigiisii uu ku doonayey inuu musharasx madaxweyne noqdo uu socon waayey, balse heshiishkan cusub ee xisbiga UCID loogu ogolaaday inuu musharax madaxweyne ka noqdo la siiyey.


Sidoo kale, xafladan lagu soo dhoweynayey musharaxan xisbiga UCID ayaa waxa ka soo qaybgalay siyaasiyiin magac ku leh Somaliland, madax dhaqameedyo ka kala yimid gobolada Somaliland, dadweyne aad u badan iyo marti sharaf kale, kuwaas oo dhamaantood sheegay inay taageersan yihiin musharaxan cusub, iyagoo sheegay in xisbigii UCID noqday UCID cusub oo ay gadhwadeen ka noqon doonaan siyaasiyiin aad u da’yar.

Ku soo biiritaankani maaha mid cusub ee Siyaasiyiinta Somaliland ayaa inta badan u kala guur-guura xisbiyadda jira, iyadoo kolba ka ay dantoodda ka dhex arkaan ku soo biira, wuxuuse kani kaga duwan yahay sida loogu ogolaaday inuu musharax u noqdo siyaasi aan hore ugu jiri jirin xisbiga.





Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online  
[email protected]
Hargeysa, Somaliland