4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 12, 2012
Xukuumadda KMG oo shaacisay in shirkii lagu soo xulayay Ergada Ansixinta Dastuurka uu dib u dhac ku yimid
Khamiis, July 12, 2012 (HOL) — Xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay inuu dib u dhac ku yimid shir lagu soo xuli lahaa ergooyinka ansixinta dastuurka oo lagu waday in maanta uu ka furmo Muqdisho.

Wasiir-u-dowlaha wasaaradda arrimaha gudaha DKMG ah, Cabdi Cali ayaa sheegay in arrimo farsamo awgood uu shirku dib ugu dhacay, wuxuuna sheegay inay jiraan arrimo la xiriira habka uu shirku u qabsoomayo.

"Shirkii la filayay inuu maanta qabsoomo ee lagu soo xulayay ergooyinka ansixinta dastuurka dib ayuu u dhacay, waxaa sabab u ah in ergada oo qayb ka mid ah ay weli harsan tahay kuwaasoo lagu wado in maanta lasoo dhameystiro," ayuu wasiir u dowlaha wasaaradda ammaanka Qaranka.

Dhawaanahan ayaa waxaa jiray kulammo ay yeelanayaan madaxda DKMG ah iyo odayaasha dhaqanka, kuwaasoo intooda badan looga hadlayay in odayaashu aysan lug ku yeelan ansixinta dastuurka cusub ee Soomaaliya ayna howsha ansixintga u daayaan ergooyinka ay soo xulayaan.

Sidoo kale, dib u dhacan ayaa imaanaya iyadoo qodobbo dastuurka ka mid ah weli lagu muransan yahay, kuwaasoo ay ka mid tahay maqaamka ay Muqdisho yeelanayso, taasoo xitaa maamulka gobolka Banaadir uu ka hadlay.

Wasiir u dowlaha ayaa sheegay in shirkan uu furmi doono 23-ka bishan, inkastoo ay jiraan warar kale oo sheegaya in laga yaabo inuu furmo maalinta Sabtida ah ee soo socota.

Odayaasha dhaqanka qaarkood ayaa waxay sheegeen inay diyaariyeen magacyada qaar ka mid ah ergooyinka ansixinta dastuurka, ayna ku howlan yihiin qaybta, inkastoo aysan sheegin xilliga ay ku dhameystiri doonaan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya