4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 11, 2012
Eng. Maxamed Axmed Salaax oo ah Musharrax u Taagan Xilka Madaxtinimada Somalia oo Maanta Boosaaso soo gaaray (SAWIRRO)


Arbaco, July 11, 2012(HOL): Magaalada Boosaaso waxaa maanta soo gaarey Eng. Maxamed Axmed Saalax oo ah musharax u taagan xilka madaxtinimada ee dalka. waxaana si diiran usoo dhoweeyey boqolaal kamid ah dadweynaha magaalada Boosaaso ku dhaqan.

Musharaxa oo intaas kadib loo sii gelbiyey halka loogu tala galay inuu dego, ayaa warbaahinta si kooban ula hadlay, wuxuuna sheegay in uu si weyn ugu faraxsan yahay imaatinkiisa magaalada Boosaaso.

Eng. Maxamed ayaa dhinaca kale tilmaamay in xiligan uu dalku u baahan yahay hogaan siyaasadeed oo ku haga tubta toosan, si looga baxo dhibaatooyinka baaxadda leh ee dalka ku habsadey.

Wuxuuna isagoo hadalkiisa sii wata intaas raaciyey in qorshihiisa siyaasadeed uu dhowrka beri ee soo socda soo bandhigi doono, islamarkaana uu kulamo gooni gooni ah la qaadan doono qaybaha kala duwan ee bulshada.


Dhawaan waxaa sidan oo kale magaalada Boosaaso booqasho ugu yimid, si weynna loogu soo dhoweeyey, Xuseen Khaliif Xaaji oo isna ah musharax u taagan xilka madaxtinimada.

Eng. Maxamed Axmed Salaax oo deegaan ahaan kasoo jeeda gobolka Bari, ahna aqoonyahan Soomaaliyeed oo mudo qurbaha ku noolaa, wuxuu dhowaan shaaca ka qaaday inuu yahay musharax u taagan xilka madaxtinimada ee dalka Soomaaliya.







Maxamed Salaad
[email protected]