4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 11, 2012
Dowladda KMG Soomaaliya iyo Xarakada Al-shabaab oo guulo ka kala sheegtay dagaal xalay ku dhexmaray Muqdisho
Arbaco, July 11, 2012 (HOL) — Dowladda KMG ah iyo Xarakada Al-shabaab ayaa guulo ka kala sheegtay dagaal xalay ku dhexmaray degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir, iyadoo aysan jirin warar sugan oo ku saabsan khasaaraha ka dhashay dagaalkaas inta uu le'eg tahay.

Taliyaha ciidamada nabadsugidda gobolka Banaadir, Col. Khaliif Axmed Ereg oo ka hadlay dagaalkaas ayaa sheegay in Al-shabaab ay isku dayday inay weerarto saldhig ay ciidamada nabadsugiddu ku lahaayeen balse laga warhelay taasna ay keentay in iyaga lagu weeraro meel ka saldhigga.

"Ma jiraan wax khasaare ah oo dhankeenna nasoo gaaray, dhankooda khasaare kala duwan ayaa gaaray, waxaana helnay hub kala duwan oo qaarkiis ay guryo ku aaseen," ayuu yiri Col. Ereg.

Xarakada Al-shabaab ayaa iyaduna sheegay in weerar ay ku qaadday saldhig ay ciidamada dowadda KMG ah ku lahaayeen degmada Yaaqshiid ay khasaare xooggan ku gaarsiiyeen ciidamada dowladda sidoo kalena ay qabsadeen saldhigga.

"Mujaahidiintu waxay xalay ku takbiirsadeen saldhig ay maleeshiyada dowladdu ku lahaayeen degmada Yaaqshiid, halkaasna waxaa lagu dilay dhowr iyaga ka mid ah," ayuu yiri afhayeen u hadlay Al-shabaab.

Afhayeenku wuxuu hadalkiisa ku daray inaysan jirin khasaare dhankooda soo gaaray ayna xoogaggoodu dib uga baxeen halkaas markii ay ka gaareen ujeedkii ay ka lahaayeen, isagoo aan sheegin halka ay dagaalyahannadoodu aadeen.

Ma jiraan ilo madaxbannaan oo xaqiijinaya khasaaraha ka dhashay dagaalkaas oo ahaa mid laga maqlay degmooyinka dhinaca waqooyi ee Muqdisho ku yaala, iyadoo dagaalkan uu imaanayo xilli ay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM howgallo lagu soo qabqaabtay boqolaal qof ay ka sameeyeen degmooyin ay Yaaqshiid ku jirto.

Dhanka kale, hay'adda nabadsugidda DKMG ah ayaa sheegtay in ciidamadoodu ay heleen hub lagu aasay guryo ku yaalla deegaanka Ceelasha biyaha oo ay gacanta ku hayaan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya