4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 11, 2012
Ra'iisul Wasaarihii hore ee Dowladda KMG oo sheegay inuu ka qaybgalayo Doorashada Madaxnimo ee Soomaaliya
Arbaco, July 11, 2012 (HOL) — Ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay inuu ka qaybgalayo doorashada madaxnimo ee Soomaaliya oo dhacaysa bisha soo socota ee sannadkan ka dhici doona Muqdisho.

Mudane Farmaajo oo la hadlayay wargeyska The Daily Nation ee kasoo baxa dalka Kenya ayaa sheegay in go'aansaday uu ku gaaray inuu shaqadii uu Mareykanka ka hayay uu joojiyo si uu uga qaybgalo siyaasadda Soomaaliya.

"Waxaan go'aansaday inaan mar kale shaqada ka tago, waxaan rumeysanahay in aan ka badabadin karo dalkeyga dhibaatooyinka ka jirta," ayuu yiri Farmaajo oo intaas ku datay: "Waxaan sii wadi howshii aan waday markii ra'iisul wasaaraha la ii magacaabay."

Ra'iisul wasaarihii Soomaaliya intii u dhexeysa bishii November 2011 illaa Juun 2011 ayaa lagu xusuustaa inuu dadaal badan u galay soo nooleynta ciidamada xoogga dalka xilligaas oo Al-shabaab ay ka talinaysay inta badan magaalada Muqdisho oo ay ku shaqeynaysay dowladda ay Qaramada Midoobay taageerto.

Mudane Farmaajo ayaa xilka ra'iisul wasaarenimo iska casilay, kaddib markii heshiis awood-qaybsi ah ku gaareen ay ku gareen magaalada Kampala ee dalka Uganda, madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif iyo afhayeenka baarlamaanka Shariif Xasan, heshiiskaas oo meesha ka saaray doorasho la filayay inay dhacdo sannadkii 2011.

Doorashada madaxnimo ee Soomaaliya ayaa waxaa u taagan murashaxiin badan oo rajo weyn ka qaba in kursiga talada dalka loo doorto, iyadoo murashaxiinu ay sheegayaan inay isbedel weyn ka dhalin doonaan dalka ay dagaaladu daashadeen.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya