4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 10, 2012
Dab khasaare geystey oo qabsaday mid kamid ah xeryaha barakacayaasha ee magaalada Boosaaso (SAWIRRO)


Talaado, July 10, 2012(HOL): Dab khasaare maaliyadeed geystey ayaa goor hore oo saaka ah ka kacay mid kamid ah xeryaha ay dadka soo barakacay ku dhaqan yihiin ee ku yaal bariga magaalada Boosaaso. Dabka oo ay demintiisu mudo saacado ah qaadatay wuxuu ciida ku daray in ka badan 200 oo guri, kuwaas oo dhamaantood ahaa kuwo cooshado ka samaysan.

Kaamka uu dabku qabsaday oo lagu magacaabo Buulo Ajuuraan, durbadiiba waxaa soo gaarey ciidamada dab demiska, inkastoo ay u suurta geli weydey inay si dhaqsa ah u demiyaan, maadaama ay gelinka hore magaalada dabeyl badani ka jirto.

Xiriiriyaha xeryaha barakacayaasha ee magaalada Boosaaso Cali Bare Ismaaciil oo Hiraan Online ay wax ka weydiisey qaabka uu dabkaasi ku bilowday ayaa sheegay inuu ka dhashay Birjiko (Gir-gire) ay ciyaal yar yari wax ku karsanayeen.


Wuxuuna intaas ku daray in aysan jirin cid dabkaas wax ku noqotay, marka laga reebo guryo 200 kor u dhaafaya oo dabka ku bas beelay iyo xayn ari ah oo gubtey, kadib markii uu dabku soo gaarey meel ay ku xirnaayeen.

Sanad walba marka lasoo gaaro xiliga xagaaga, markaas oo ay magaalada Boosaaso dabaylo xoogani ka dhacaan, waxaa inta badan xeryaha barakacayaasha ka kaca dab geysta khasaare nafeed iyo maaliyadeed oo badan.

Waxaana xusid mudan in maamulka degmada Boosaaso oo kaashanaya hay'adaha caalamiga ah ee samafalku ay ku guuleysteen in ay guryo kumeel gaar ah u dhisaan boqolaal qoys oo dadkaas kamid ah, si masiibooyinka dabiiciga ah loo yareeyo, inkasta oo weli ay jiraan qaar degen aqalada cooshadaha ka sameysan oo iyagu ah kuwo gubashada u nugul.








Maxamed Salaad
[email protected]