4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 10, 2012
Militariga Kenya oo Howlgallo Xiliyada Habeenkii ah ka Bilaabay Xaafadda (Estleigh) Islii ee Magaalada Nairobi
Talaado, July 10, 2012 (HOL) — Cutubyo katirsan ciidamada Militariga Kenya ayaa dhowrkii habeen ee ugu danbeeyay waxa ay howlgallo ballaaran ka bilaabeen xaafadda ay Soomaalidu ku badantahay ee Eastleigh, iyadoona howlgalladaasi ay ciidamadu ku qabqabteen dad badan oo sharci la'aan ah.

Ciidamadan oo aad u fara badan islamarkaasina sita gaadiid loogu talo galay in dadka lagu daabulo ayaa waxa ay sedexdii habeen ee ugu danbeeyay howlgallo ka wadeen xaafadda Eastliegh, iyadoona howlgalladaasi ay ciidamadu ku qabqabteen dad fara badan oo si sharci darro ah ku joogay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Ciidamadan katirsan Militariga Kenya ayaa xiliyada habeenkii ah lagu arkayaa wadooyinka dhexmara xaafadda, waxa ayna dadka isticmaalaya wadooyinkaasi weydinayaan sharci, sidoo kalena waxa ay ciidamadu galeen qaar katirsan Hotellada iyo guryaha ku yaal xaafadda Islii.

"Xalay askartu waxay gashay guryo ku yaal wadada 9-ka, waxayna kala baxeen dad badan oo sharci la'aan ahaa," sidaa waxa yiri C/qaadir Max'ed Aadan oo kamid ah dadka ku dhaqan xaafadda Eastleigh.

Ciidamadan oo ah kuwa Militariga ayaa sedexdii habeen ee ugu danbeeysay waxa ay siweyn uga howlgalayeen xaafadda Easteigh, ilaa imikana ma jiraan masuuliyiin katirsan dowladda Kenya oo faahfaahin ka bixiyay howlgallada ay ciidamadu ka bilaabeen xaafadda Eastleigh ee magaalada Nairobi.

Howlgalladan ayaa kusoo beegmaya xilli sirdoonka dalka Kenya uu dhawaan shaaca ka qaaday in gudaha dalka Kenya ay ku dhuumaaleysanaya lix qof oo la sheegay in ay xiriir la leeyihiin Al-shabaab islamarkaasina ay qorsheynayaan in dalka Kenya ay ka qarxiyaan dagaal Diimeed u dhexeeya Muslimiinta iyo Kirishtaanka.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya