4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 1 , 2012
Dabaaldagyada 1-da Luuliyo oo lagu qabtay Nairobi, Taasoo ay ka qaybgaleen madax sare (DAAWO SAWIRRO)

LUULIYO.jpg
Axad, July 01, 2012 (HOL) - Boqollaal Soomaali ah ayaa xalay isugu tagay gurigii hore ee safaarada Soomaalida ee magaalada Nairobi, halkaasoo ay isugu yimaadeen qaar kamid madaxda qaranka.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya C/wali Maxamed Cali Gaas, ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi, Safiirka Soomaaliya Maxamed Cali Nuur Ameerika, xubno ka tirsan golayaasha wasiirrada iyo baarlamaanka, madaxweynaha Galmudug Maxamed Axmed Caalin, qaar kamid ah fanaaniinta qaranka oo ay hormuud u ahayd fanaanadii ummada Hibo Maxamed Gudoon (Hibo Nuuro) iyo dadweyne kumanaan gaarayay ayaa isugu tagay goobtaas.

Waxaana dadweynaha la hadlay safiirka Soomaaliya Maxamed Cali Nuur ( Ameeriko) oo xafladaas soo qaban qaabiyay, isagoo sheegay inay farxad u tahay in dadka Soomaaliyeed ay u dabaal dagaan 1-da Luuliyo iyadoo ay la joogaan madaxdoodii qaranka.

LUULIYO4.jpg

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya C/wali Maxamed Cali Gaas oo goobtaas ka hadlay ayaa ammaanay halgamayaashii xorriyada, isagoo Soomaalidana ugu baaqay inay adkaystaan midnimadooda.

Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi ayaa isna u hambalyeeyay ummada Soomaaliya isagoo ku boorriyay Soomaalida inay  haatan u istaagaan dhisitaanka dawlad awood leh oo soo celisa sharaftii ummada.

Madaxweynaha Galmudug Maxamed Axmed Caalin, wasiirkii hore ee gaashaandhiga Soomaaliya C/xakiin Fiqi iyo madax kale oo fara badan ayaa iyaguna halkaas khudbado ka jeediyay.

Fanaaniinta Soomaalida ee goobtaas joogay ayaa qaadayay heesaha wadaniga ah.

Markii ay saacadu soo gaartay 12kii saqda dhexe ayaa la saaray calanka Jamhuuriyada Soomaaliya.

LUULIYO10.jpg
LUULIYO16.jpg
LUULIYO11.jpg
LUULIYO13.jpg
LUULIYO14.jpg
LUULIYO15.jpg
LUULIYO17.jpg
LUULIYO2.jpg
LUULIYO9.jpg
LUULIYO3.jpg
LUULIYO5.jpg
LUULIYO6.jpg
LUULIYO8.jpg
LUULIYO7.jpg
LUULIYO00.jpg

Axmed C/samad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya