4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 1 , 2012
Munaasabad lagu xusayay 1-da Luulyo oo xalay lagu qabtay Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan
BALADWEYN.jpg

Axad, July 01, 2012 (HOL) — Dhowr sano kadib waxaa xalay lagu qabtay magaalada Beledweyne ee xarunta gobollka Hiiraan munaasabad lagu maamuusayay 1-Luulyo oo ku beegan 1960-kii, maanta oo kale waqtigii ay ka xuroobeen gobollada Koonfurta Soomaaliya gumeystihii Talyaaniga iyo is raacii labada gobol Koonfur iyo Waqooyi.

Munaasabada oo ka dhacday xarunta maamulka gobollka Hiiraan ayaa waxaa ka soo qeyb-galay xubno ka tirsan  maamulka gobollka, saraakiil ciidan, iyo qeybaha bulshada oo siweyn ugu faraxsanaa xuska maalinta 1-Luulyo oo ah maalin ku weyn bulshada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.

Qudbado kala duwan oo dhamaantood salka ku hayay qiimaha maanta oo kale ay u leedahay bulshada Soomaaliyeed, iyo halgankii dheeraa ee loo soo maray xuriyada maanta la harsanayo ayaa waxaa halkaa ka jeediyay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobollka Hiiraan.

Afhayeenka maamulka gobollka Hiiraan Max’ed Nuur Caga-joof oo ka mid ahaa mas’uuliyiintii xalay ka hadashay munaasabada ayaa sheegay in munaasabada 1-luulyo sanadkan ku soo beegantay waqti sida uu hadalka u dhigay bulshada Soomaaliyeed cagta saareen wadadii dowladnimada, dhinaca kalana ay socdaan wadahadallo u dhaxeeya dowladda KMG iyo maamulka Soomaaliland  oo maanta oo kale 1960-kii is raacay.

BALADWEYN2.jpg

"Waan u habalyeeynayaa shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, dhinaca kalana waxaa bogaadinayaan wadahadallada socda oo u muuqda kuwo dib u soo nooleyn kara midnimadii umadda Soomaaliyeed,’’ ayuu yiri afhayeenka maamulka gobolka Hiiraan Max’ed Nuur Caga-joof.

Sidoo kale guddoomiye ku-xigeenka maamulka gobollka ee arrimaha bulshada Max’ed Macalin Yuusuf ‘’Garabey’’ oo ka hadllay munaasabada ayaa sheegay in 52 sano kadib ay soo muuqatay sadaal wax badan tareysa umadda Soomaaliyeed, maadama ay jiraan ayuu yiri dhaq dhaqaaqyo dib u soo nooleyn kara rajadii bur-burtay ee ummadda Soomaaliyeed.

Waxaa xalay joogay munaasabada lagu maamuusayay 1- Luulyo ee lagu qabtay magaalada Beledweyne ciidamo ka tirsan kuwa maamulka gobollka oo dhinacooda siweyn ugu faraxsanaa dabaal-daga, qaarkood oo ka hadllay goobtana waxaa ay sheegeen in ay dhiigooda u hurayaan sidii ay u difaaci lahaayeen xuriyada dhiiga badan loo soo daadiyay.

BALADWEYN3.jpg
BALADWEYN4.jpg
BALADWEYN7.jpg
BALADWEYN5.jpg
BALADWEYN8.jpg
BALADWEYN7.jpg
BALADWEYN6.jpg

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya