4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 1 , 2012
Madaxweynaha Soomaaliya oo sheegay in haddii fikir mideysan la qaato laga gudbi karo dhibaatada hadda jirta

Axad, July 01, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo khudbad dheer ka jeediyay munaasabad lagu xusayay 1-da Luuliyo oo xalay ka dhacday xarunta madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegay in loo baahan yahay in fikir mideysan la qaato si looga gudbo dhibaatada hadda jirta, dalkana loogu soo dabaalo dowladnimo iyo amni.

Xafladdii lagu xusayay maalinta xoriyaadda gobollada Koonfureed ee Soomaaliya iyo israacii labada gobol oo ay kasoo wareegtay 50-sano ayaa waxaa goobjoog ka ahaa xubno ka tirsanaa ururkii SYL iyo dad kale oo goobjoog ahaa habeenkii calanka la saarayay.

"Taariikhada Soomaaliya waa mid dheer oo aan shalay iyo maanta billaaban, dad badan ayaa isku dayay inay marin habaabiyaan taariikhada Soomalaiya, laakiin Soomaalida waxaa lagu tiriyaa dadka ugu taariikhda dheer ee adduunka" ayuu yiri madaxweyne Sheekh Shariif.

Madaxweynuhu wuxuu xusay in jiritaanka Jirtaanka Soomaaliya ay ka tarjumayso luuqadda, taariikhda iyo fanka ay xambaarsan yihiin dadka Soomaaliyeed, wuxuuna xusay in dadka Soomaaliyeed looga baahan yahay inay iska ilaaliyaan khaladaadka ayna dib dalkooda u dhisaan.

"Sida la ogyahay dowladnimada laguma helin baryo, kala qaybsanaan iyo inay dadku dhabarka isku dhaggan yihiin, laakiin waxaa lagu helay fikrad mideysan iyo Soomaali oo hal hadaf leh, taasaana keentay in lagu guuleysto," ayuu yiri Sheekh Shariif.

Madaxweynuhu wuxuu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay iska illoobaan wixii dhexmaray ayna hadda wixii ka dambeeya u jeestaan sidii ay dalkooda u horumarin lahaayeen, maadaama ay yihiin kuwa ay saaran tahay mas'uuliyadda maanta.

"Xorriyadii kaddib wax badan ayaa dhacay, himiladii ummaddu lahayd wax badan oo la rabay inay hirgalaan ayaan hirgelin, maanta innaga ayaa joogna oo mas'uuliyaddu na saaran tahay, waxaan hubaa taariikhdu inay wax badan na bartay, haddaan midowno oo aan ka gudubno khilaafaadka iyo waxyaabaha yaryar ee dadka lagu mashquuliyo oo aan ujeesanno ummadnimo waxaan hubaa inaan noqonayso dadka ugu fiican dunida," ayuu madaxweynaha Soomaaliya ku sheegay khubaddiisa.

Sidoo kale, madaxweynuhu wuxuu sheegay in ciidamada AMISOM, Itoobiya iyo kuwa Kenya ay dowladda Soomaaliya gacan ka siinayaan sidii ay uga bixi lahayd dhibka, isagoo sheegay in abaalkaas ay u gudi doonaan.

"Soomaaliya maanta caafimaadkeeda waa soo laabtay, cid walba oo gacan siisayna waa ku mahadsan tahay, waxaan rabaa inuusan khalad kale dhicin oo aan jidka laga habaabin, waxaa saxda ah waa dowladnimo waana mid aan shirko ku nahay," ayuu Sheekh Shariif yiri mar kale.

Mar uu ka hadlay arrimaha dastuurka ayuu sheegay in dastuurka hadda la qoray uu ku soconayo wax ka badal muddada afarta sano ee soo socota, isagoo xusay inaan khalad laga waayi karin wax bani'aadam sameeyay, laakiin la ogaado in duruuf adag lagu qoray.

"Haddii ay noo suurogalaan waxyaabaha aan rajeynayno oo aan helno dowlad sax ah, waxaa dastuurkan la horgeyn doonnaa baarlamaanka oo wax ka bedeli doona inta looga ansixinayo afti dadweyne," ayuu madaxweynuhu yiri.

Dhanka kale; madaxweynaha Soomaaliya wuxuu ammaan ballaaran u jeediyay ciidamada DKMG ah oo uu sheegay inay guulo la taaban karo ku tallaabsadeen sannadkan ayna deegaanno badan ka qabsadeen Al-shabaab.

"Waxaa jira qaar ciidamada ka mid ah oo magacooda iyo sumcadooda ku ciyaara si xal loogu helo waxay dowladdu qaaday tallaabooyin waxaana xabsiyada ku jira hadda askar maxkamad sugayaal ah, waxaana hari doona kuwa wanaagsan," ayuu yiri madaxweynaha oo ka hadlayay ciidamada dowladda ee shacabka dhibaateeya.

Xubnihii kale ee goobta ka hadlay ayaa waxay iyaguna si qoto dheer uga hadleen sida lagu helay xorriyaddda muddo hadda laga joogo 52-sano, waxayna qaarkood sheegeen inay joogeen habeenkii calanka la saarayay, inkastoo ay sheegeen inay dhaceen dhibaatooyin badan lagana gudbi doono.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya