4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 10, 2012
Ugaaska beesha Reer Aw- Xassan oo ku geeriyooday Deegaanka Feer Feer
Talaado, January 10, 2012(HOL) Nairobi, Kenya - Allaha u naxariistee marxuum Ugaas Ibraahin Ugaas Cabdulaahi ugaas Axmed oo ahaay ugaaska beesha reerow Xasan ayaa xalay ku geeriyodey magalada Feer-feer.

Axmed Ugaas Ibarhim oo ah curadka marxuumka ayaa warbaahinta u xaqiijiyey dhimashada aabihii Ugaas ibraahin oo ku dhawaad sanad ku xanuusanaay magaalda Baladweeyne ayaa waxa uu u geeryooday cudurka sankoroowga.

“Aaabe Allaha unaxariistee waxa uu mudda sagaal bilood ah ku xanuusanaay baladweeyne. Saddaxdii bari ee la soo dhaafay ayuu aad u xanuusaday, waxa uuna codsaday in Feerfer oo ah meeshii ku dhashay loo qaado halkaasoo uu xalay ku geeryooday”, ayuu yiri Axmed(Qalinle) oo ah curadka Ugaaska geeryooday.

Ugaas Ibraahim Ugaas Cabdullaahi oo ahaa 69 sano jir waxaa manta lagu aasay magaaladii uu ku dhashay ee Feerfeer gaar ahaan tuulada Oodan oo wax yar un galbeedka ka xigto Feer-feer.

Kumanaan kun oo qof ayaa ka qeeybgashay aaska loo sameeyay Alla Ha Unaxariistee Ugaas Ibraahim Ugaas Cabdullahi.

Sanadii 1983 ayaa loo caleema saaray ugaasnimada oo uu ka dhaxlay walaalkiis ugaas Muxumed Cadde Ugaas Cabdullahi.

Ugaas Ibraahim ugaas Cabdullahi waxa uu qeyb libaax ka qaatay shirkii Carta ee jabouti ee lagu soo dhisey dowladii Dr. Cabdi qaasim iyo shirkii Nairobi ee Mbagathi oo lagu alkumay dowladii Abdulaahi Yusuf sanadii 2004.

Waa nabadoon aad looga qadariyo gobalka Hiiraan saameyn weyna ku lahaa nabadeynta gobalaka.

Alaha unaxariisto ugaas Ibraahin ugaas Abdulaahi waxa uu ifka uga tagay afar xaas iyo 17 caruur.

Qoyska reer Ugaas ee beesha ayaa laga warsugayaa kadib tacsida in ay soo ceelama saaraan Ugaas cusub si waafaqsan dhaqanka Soomaalida.

Axmed Cabdisamad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya