3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 9 , 2012
Boqollaal Qof oo lagu Qab-qabtay Howlgallo ay Ciidamada Booliska Kenya ka Sameeyeen Xaafadda Islii - Nairobi

Axad, December 09, 2012 (HOL) — Ciidamada booliska Kenya ayaa howlgallo ballaaran oo ay shalay ilaa xalay ka sameeyeen xaafadda Islii ku qab-qabtay in ka badan 300 oo qof oo u badan Soomaalida ku dhaqan xaafadda Islii.

Goobaha ay ciidamadu howlgallada ka sameeyeen ayaa ah nawaaxiga masaajidkii uu qaraxa ka dhacay iyo waaxda sec3 ee xaafadda Islii, waxayna ciidamadu guri-guri u galayeen dhismayaasha ku yaal goobahaasi.

Ciidamada ayaa dadka ay qabteen waxa u badnaa Soomaali aan heysan sharci ay dalka ku joogaan, waxaana dhamaan dadkii la qabtay loo taxaabay xabsiga, iyadoona sidoo kale ciidamadu ay dabagal ku hayaan gaadiid looga shakisanyahay in uu watay ruuxii bamka tuuray.

Taliyaha ciidamada booliska Nairobi Moses Ombati oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dadka lagu soo qabtay howlgallada ay u badanyihiin dad aan heysan dukumintiga aqoonsiga ee dalka lagu joogo, wuxuuna sheegay in ay ku raadjoogaan gaadiid la aaminsanyahay in ay isticmaalayeen dadkii qaraxa ka danbeeyay.

“Dhamaan dadka la xiray waa dad ajaanib ah oo aan heysan dukumintiyo sax ah oo muujinaya in ay dalka sharci ku joogaan. Dhamaantood waa la su’aali doonaa,” ayuu masuulkani hadalkiisii raaciyay.

Kooxda dambi baarista dalka Kenya ayaa dabagal ku haysa gaadiid dadkii goobta ku sugnaa goobta uu qaraxa ka dhacay ay sheegeen in uu watay ruuxa bamka soo tuuray, waxayna boolisku sheegeen in ay gacanta kusoo dhigi doonaan gaadiidkaasi.

“Hadda ma oran karno waxaan heynaa dadkii falkan ka danbeeyay, laakiin waxaan ku raadjoognaa cadeymo aan helnay,” ayuu Mr. Ombati hadalkiisii raaciyay isagoona sheegay in ay hayaan lambarka diiwaanka gaariga ay isticmaaleen kooxaha qaraxa fuliyay.

Jawiga guud ee xaafadda islii ayaa ah mid dagan, waxaana wadooyinka dhexmara xaafadda lagu arkayaa ciidamo katirsan kuwa booliska Kenya oo sugaya ammaanka.

Howlgallada ay ciidamada booliska Kenya ka sameeyeen xaafadda Islii ayaa ka danbeeyay kadib markii habeenimadii Jimcihi aynu soo dhaafnay qarax lala eegtay Xildhibaanka laga soo doorto degmada Kamakunji Xildhibaan Yuusuf Xasan, xilli uu dadweeyne kasoo baxay salaadda cishaha kula hadlayay afaafka hore ee Masaajidka Al-hidaaya ee magaalada Nairobi, qaraxaasoo inta la ogyahay sababay dhimashada shan qof iyo dhaawaca in ka badan 30 qof oo uu ku jiro xildhibaanka.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi – Kenya













Click here
12/9/2012 7:25 AM EST
Axad, December 09, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha xisbiga talada haya ee KULMIYE, Muuse Biixi Cabdi ayaa beeniyay in xisbigiisu uu ku shubtay codadkii doorashada Somaliland ee bishii hore dhammaadkeeda la qabtay, isagoo sheegay in haddii ay cabsho jirto loo baahan yahay in laga dacwoodo maxkamadaha dalka.

12/9/2012 6:33 AM EST
Axad, December 09, 2012 (HOL) — Afhayeenka AMISOM ayaa xaqiijiyay in AMISOM iyo ciidamada dowladda Soomaaliya ay la wareegeen gacan ku haynta degmada Jowhar oo 90-km dhinaca waqooyi kaga beegan Muqdisho, sidoo kale afhayeenka Al-shabaab ayaa isaguna sheegay inay xeelad dagaal uga baxeen Jowhar.

12/9/2012 3:37 AM EST
Axad, December 09, 2012 (HOL) — Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa si rasmi ah ula wareegay gacan ku haynta degmada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellada dhexe; kaddib markii xoogagga Al-shabaab ay isaga baxeen aroornimadii hore ee maanta oo Axad ah.

12/9/2012 2:03 AM EST
Axad, December 09, 2012 (HOL) — Wararka saakay laga helayo degmada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellada Dhexe ayaa sheegaya in xoogaggii Al-shabaab ay intooda badan isaga baxeen degmadaas iyadoo sii daayay maxaabiistii ay gacanta ku hayeen.

12/9/2012 1:51 AM EST
Axad, December 09, 2012 (HOL) — Hal qof ayaa ku dhintay ku dhawaad shan qof oo kalena dhaawacyo kala duwan ayaa kasoo gaaray bambaano xalay fiidkii lagu weeraray shineemo Muqdisho oo ku taalla degmada Wadajir, xilli halkaas lagu daawanaya ciyaaro iyo filimaan kale.