4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 9 , 2012
Ciidamada Dowladda Somalia iyo AMISOM oo si Rasmi ah ula Wareegay Gacan ku haynta Magaalada Jowhar

Axad, December 09, 2012 (HOL) — Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa si rasmi ah ula wareegay gacan ku haynta degmada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellada dhexe; kaddib markii xoogagga Al-shabaab ay isaga baxeen aroornimadii hore ee maanta oo Axad ah.

Goobjoogayaal ku sugan degmada Jowhar ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay dhinaca Koonfureed ka galeen degmada, inkastoo ciidamada isbahaysanaya ay la wareegeen degmada Mahadaay iyo garoonka diyaaradaha Jowhar oo dhinaca waqooyi ka xiga degmadaas.

"Degmada Jowhar waxaa ku sugan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo wata gaadiidka dagaalka oo fara badan, dadka intooda badan guryahooda ayay ku jiraan, waxaase jira dad magaalada dhexmaraya," ayuu yiri goobjooge la hadlay HOL oo diiday in magaciisa uu sheego.

Sidoo kale, goobjooguhu wuxuu sheegay in qarax weyn uu ka dhacay buundada kala qaybisa magaalada, iyadoo aan la ogeyn khasaaraha ka dhashay qaraxaas, iyadoo xilliga qaraxa uu dhacayay ay buundada agteeda ku sugnaayeen ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.

Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee wadajirka u galay degmada Jowhar ayaa muujinaya feejignaan dheeraad ah, iyagoo ka baqdin qaba in la wareerao, iyadoo aan la ogeyn halka ay aadeen xoogaggii -shabaab ee degmadaas ka talinayay.

Degmada Jowhar oo 90-km u jirta Muqdisho ayaa waxay ka mid noqonaysaa dhowr degmo oo Al-shabaab laga qabsaday sannadkan, kuwaasoo ay ka mid yihiin, Marko, Baydhabo, Kismaayo, Afgooye, Balcad iyo Wanlaweyn.

Saraakiisha dowladda Soomaaliya ayaa sheegay inay degmadaas ku galeen dagaal la'aan, waxayna guul weyn ku tilmaameen qabsashadeeda, inkastoo AMISOM aysan weli ka hadlin qabsashada degmada Jowhar.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya