4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 8 , 2012
Guddiga Doorahooyinka Somaliland oo sheegay in dib loogu noqonayo tirinta Codadka Magaalada Hargeysa

Axad, December 09, 2012 (HOL) — Guddiga Doorashooyinka Somaliland ayaa sheegay in dib loogu noqonayo tirintii sanaaduuqda degmadda Hargeysa ee natiijadeedu rabshaduhu ka dhasheen, isla markaana hakiyeen natiijadii ku meelgaadhka ahayd ee lagu dhowaaqay.

Gudoomiyaha guddida Doorashooyinka Eng: Ciise Xamari oo warbaahinta la hadlayey ayaa sheegay inay kulan ay maanta ku yeesheen xaruntoodda xisbiyada ay isla garteen in dib loo hubiyo sanaaduuqdii codbixinta ee degmadda Hargeysa, isla markaana la isku dayo in xisbi walba ku qanco si xisbiyadu uga wada raali noqdo.

 “waxa jira cabashooyin ku saabsan arrimaha doorashooyinka, sidaa darteed waxa uu komishanka doorashoyinku go’aan ku gaadhay, maadaama degmadda Hargeysa go’aankeedii ay ku dhawaaqday cabashooyin ka yimaadeen in aanu hakinay go’aankii degmada Hargeysa, dib u eegisna ku samaynayno”ayuu yidhi gudoomiyaha guddida doorashooyinka qaranka Ciise Xamari, intaas ku daray in qaab kasta oo ay ku  qanci karaan loo samaynayo xisbiyada iyo ururada cabanaya.

Gudoomiyuhu waxa uu sheegay in mudaharaadkii ka dhacay magaaladda Hargeysa ay ka dhasheen natiijadii ka soo baxday degmada Hargeysa, isagoo arrintaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “mudaharaadkii magaaladda Hargeysa ka dhacay waxay ku saabsanaayeen tabashooyin ku sal leh doorashooyinka”.

Guddida doorashooyinka ayaa isla gartay in dib loo eego sanaaduuqdii degmadda Hargeysa oo urur siyaasadeedka XAQSOOR ka biyo diideen natiijadii ka soo baxday, isla markaana tilmaamay in lagaga shubtay, taas oo keentay mudaharaad dhimasho iyo dhaawacba keentay.

Haseyeeshee, xaafadihii shalay ka dhaceen mudaharaadka ayaa degan, waxana ilaa xalay lagu jiray sidii la iskula afgaran lahaa in mudaharaadka la joojiyo, xalna looga gaadhi lahaa wixii cabasho ah ee ku saabsan arrimaha doorashooyinka.
 
Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland