3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 8 , 2012
Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya oo Xukun Xabsi daa'in ah ku ridday Taliyihii Ciidanka Asluubta
Sabti, December 08, 2012 (HOL) — Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Somalia ayaa xakun xabsi daa’in ah ku ridday maanta oo Sabti ah taliyihii hore ee ciidamada Asluubta Soomaaliyeed, Jen. Cabdi Maxamad Ismaaciil (Indho-buur) kaddib markii lagu eedeeyay inuu xabsiga dhexe kasii daayay 14 maxaabiis oo Al-shabaab ka tirsanaa.

Maxkamaddu waxay sidoo kale isla maanta xukunno ku ridday eedeysanayaal kale oo uu ku jiray agaasimihii garsoorka maxkamadda ciidamada qalabka sida iyo mid ka mid ahaa dagaalyahannada Al-shabaab oo la sheegay in la qorsheyay in lasii daayo.

Guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida, Col. Liibaan Cabdi Yaroow ayaa sheegay in taliyhii hore ee ciidamada Asluub Soomaaliyeed lagu eedeeyay inuu sameeyay qiyaanno Qaran taasoo ahayd inuu sii daayay maaxabiis Al-shabaab ka tirsanaa oo ay maxakamadda ciidamadu horay xukunno kala duran ugu ridday.

Sidoo kale, agaasimihii garsoorka maxkamadda ciidamada qalabka sida, Xasan Axmed Cali (Xasan Liibiya) ayaa isna lagu eedeeyay inuu ku lug lahaa falka lagu sii daayay maxaabiista ka tirsan Al-shabaab, taasna ay keentay in la xukumo.

"Maxkamadda ciidamada qalabka sida waxay ku xukuntay, Cabdi Maxamed Ismaaciil xabsi daa'in, kaddib markii ay ku cadaadeen eedeymo loosoo jeediyay oo ahaa inuu sii daayay 14-xubnood oo Al-shabaab ka tirsanaa, sidoo kale maxkamaddu waxay ku xukuntay Xasan Liibiya shan sano oo xabsi ciidan ah, kaddib markii lagu helay in uu gacan ku siiyay taliyaha khiyaanada qaran ee uu sameeyay," ayuu yiri taliyaha maxkamada ciidamada qalabka sida.

Taliyaha la xukumay ayaan ku sugnayd goobta uu xukunku ka dhacayay, waxanaa hay'adaha ammaanka ee dowladda Soomaaliya amar lagu siiyay inay soo qabtaan Jen. Ismaaciil, iyadoo sidoo kalena la sheegay inuusan wax xil ah ka qaban karin dowladda lagana qaaday dhammaan darajooyinkii uu lahaa.

Dhanka kale, taliyuhu wuxuu sheegay in Muuse Ciise Nuur oo ka tirsanaa Al-shabaab oo la qorsheyay in lasii daayo uu dhameysanayo xabsigii horay loogu xukumay oo ahaa sideed sano oo xabsi ciidan ah.

Ugu dambeyn. taliyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida Col. Liibyaan Yaroow ayaa ku dhawaaqay in C/qaadir Maxamed Axmed oo ku eedeysnaa inuu dilay askari ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya lasii daayo, kaddib markii lagu waayay dambiga loo haystay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya












Click here
12/8/2012 9:52 AM EST
Sabti, December 08, 2012 (HOL) — Waxaa maanta qabuuraha Muslimiinta ee magaalada Nairobi lagu aasay qaar kamid ah dadkii ku dhintay qaraxii xalay ka dhacay masaajid ku yaal xaafadda Islii ee magaalada Nairobi.

12/8/2012 8:31 AM EST
Sabti, December 08, 2012 (HOL) — Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya iyo koox fanaaniin ah ayaa maanta gaaray magaalada Baladweyne ee xarunta gobollka Hiiraan, halkaa oo ay ku soo dhaweeyeen mas’uuliyiinta ka tirsan maamulka gobolka.

12/8/2012 8:22 AM EST
Sabti, December 08, 2012 (HOL) — Guddiga doorashada Puntland ayaa saddex toddobaad oo dheeraad ah ku kordhiyay mudada furashada xisbiyada oo xiligii horay loogu qabtay uu dhammaad ku dhow yahay.

12/8/2012 7:35 AM EST
Axad, December 09, 2012 (HOL) — Guddiga Doorashooyinka Somaliland ayaa sheegay in dib loogu noqonayo tirintii sanaaduuqda degmadda Hargeysa ee natiijadeedu rabshaduhu ka dhasheen, isla markaana hakiyeen natiijadii ku meelgaadhka ahayd ee lagu dhowaaqay.

12/8/2012 6:51 AM EST
Sabti, December 08, 2012 (HOL) — Madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta dib ugu soo laabtay Muqdisho ayaa cambaareeyay qaraxii xalay ka dhacay xaafadda Islii ee magaalada Nairobi oo uu ku dhaawamay xildhibaan Yuusuf Xasan oo ka tirsan baarlamaanka Kenya.

12/8/2012 6:30 AM EST
Sabti, December 08, 2012 (HOL) — Maamulka Ahlusunna Waljamaaca ee gobolka Galguduud ayaa ka manuucay xarunta gobolkaas ee Dhuusomareeb in hub lagu dhex qaato iyo si macno-darro ah rasaas loogu dhex-rido, iyagoo sheegay inay tallaabo ka qaadi doonaan ciddii jabisa amarkaas.

12/8/2012 3:10 AM EST
Sabti, December 08, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya oo booqasho saddex maalmood qaadatay ku tagay dalka Turkiga ayaa sheegay in waxyaabihii ugu weynaa ee uu kala hadlay madaxda dalka Turkiga ay ugu muhiimsanaayeen sidii ammaanka dalka loo sugi lahaa.

12/8/2012 3:07 AM EST
Sabti, December 08, 2012 (HOL) - Shan qof ayaa ku dhimatay lix kalena waa ay ku dhaawacmeen qarax xalay lala eegtay Xildhibaan Yuusuf Xasan xilli uu dadweeyne kula hadlayay masaajid ku yaal wadada loo yaqaan Jam street oo ka tirsan xaafadda islii ee magaalada Nairobi.

12/8/2012 3:04 AM EST
Sabti, December 08, 2012 (HOL) — Xarunta golaha shacabka ee Muqdisho ayaa lagu qabtay kulan ay talooyin iyo su’aalo ay isku dhaafsanayeen guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Maxemed Cismaan Jawaari iyo dhallinyarada magaalada Muqdisho. Kulankan oo ahaa kii ugu horreeyay noociisa oo ay yeeshaan madaxda dalka iyo dhallinyarada Muqdisho.