4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 8 , 2012
Ururka Ahlusunna oo Degmada Dhuusomareeb ka mamnuucay in hubka lagu dhexqaato iyo in rasaas lagu dhex rido
Sabti, December 08, 2012 (HOL) — Maamulka Ahlusunna Waljamaaca ee gobolka Galguduud ayaa ka manuucay xarunta gobolkaas ee Dhuusomareeb in hub lagu dhex qaato iyo si macno-darro ah rasaas loogu dhex-rido, iyagoo sheegay inay tallaabo ka qaadi doonaan ciddii jabisa amarkaas.

Taliyaha Amniga ee degmada Dhuuso-mareeb, Farxaan Macallin Cali ayaa sheegay in Ahlusunna ay isku raacsan tahay inaan hub lagu dhexqaadan karin degmada, sidoo kalena aanay jiri karin in rasaas macno-darro ah laga maqlo gudaha degmada.

"Waxaan uga digaynaa dadka degmada ku nool inuusan hub ku dhexqaadan karin degmada cid aan ka tirsanayn ciidamada ammaanka, qofkii lagu helo isagoo hub ku dhex-wata waa lagala wareegayaa isagana sharciga ayaa lala tiigsan doonaa," ayuu yiri Farxaan Macallin.

Sidoo kale, taliyuhu wuxuu sheegay in qofkii hubkiisa lagala wareego inaan dib loogu celin doonin, isagoo sheegay in sidoo kale sharciga la marsiin doono qofkii rasaas ku dhex-rida degmada; basle taliyuhu ma sheegin ciqaabka uu mudan doono nooca ay tahay.

Degmada Dhuuso-mareeb ayaa waxaa afartii sano ee ugu dambeeyay ka talinaysay Ahlusunna, inkastoo dhowr jeer ay Al-shabaab ku qabsadeen weerarro gaadmo ah oo ay ku qaadeen, iyagoo saacado kaddib dib uga baxayay.

Ururka Ahlusunna ayaa dhanka kale sheegay inay aaseen lix barkadood oo ku yaalla inta u dhexeysa degmada Caabud-waaq iyo deegaanka Xanan-buurre, iyagoo xusay in aasidda barkadahaas ay dani ugu jirto dadka deegaanka oo dhowr jeer oo hore ku dagaalamay.

Taliyaha amniga ee Dhuusomareeb ayaa ugu dambeyn sheegay in dadka deegaanku ay isku waafaqeen aasidda barkadahaas, isagoo xusay inay jireen dad kasoo hor-jeestay; inkastoo ay markii dambe ogolaadeen.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya