4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 8 , 2012
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH: "Madaxda Turkiga waxyaabihii ugu weynaa ee aan kala hadlay waa Ammaanka"

Sabti, December 08, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya oo booqasho saddex maalmood qaadatay ku tagay dalka Turkiga ayaa sheegay in waxyaabihii ugu weynaa ee uu kala hadlay madaxda dalka Turkiga ay ugu muhiimsanaayeen sidii ammaanka dalka loo sugi lahaa.

Madaxweyne Xasan ayaa intii uu Turkiga ku sugnaa la kulmay madaxweynaha iyo ra'iisul wasaaraha Turkiga, isagoo ka dalbaday inay gacan ka siiyaan dowladda cusub ee Soomaaliya sidii ay dalka dib u dhis ugu sameyn lahayd dibna loogu soo celin lahaa ammaanka.

"Madaxda Turkiga waxyaabihii ugu waaweynaa ee aan kala hadlay waa ammaanka sidii lagu soo celin lahaa," ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh oo sheegay in dowladda Turkiga ay tahay dowlad doonaysa inay si hagar la'aan ah u caawiso Soomaaliya.

Dowladda Turkiga ayaa waxay safaarad ka furatay sannadkii hore Soomaaliya sidoo kale waxay diyaaradda Turkish Airlines duulimaadyo ka billowday gudaha dalka si ay u muujiso sida ay uga go'an tahay in dib loo soo celiyo karaamadii iyo sharaftii ay Soomaaliya ku lahayd dunida inteeda kale.

"Turkiga waxay tusaale u yihiin caalamka, waxayna ballanqaadeen inay Soomaaliya ka caawin doonaaan dhinacayada, ammaanka, dhaqaalaha iyo horumarinta guud ee dalka," ayuu yiri Xasan Sheekh.

Ra'iisul wasaaraha Turkiga Recep Erdogan iyo madaxweynaha dalkaas, Cabdalla Gul ayaa waxay ballanqaadeen inay si dhab ah ula shaqeyn doonaan Soomaaliya dib u dhiska, kaabayaasha dhaqaalaha iyo horumarinta hay'adaha dowladda.

Madaxweynaha Soomaaliya oo safarkiisa ay ku wehliyaan wasiirro ka tirsan xukuumadda ayaa lagu wadaa inay dib ugu soo laabtaan maanta magaalada Muqdisho, kaddib markii uu soo gabgaboobay safarkii ay Turkiga ku tageen.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya