4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 7 , 2012
Qarax uu ku dhaawacmay Xildhibaan Yusuf Xasan ayaa ka dhacay Xaafadda Islii ee magaalada Nairobi


Yusuf Xasan, Xildhibaanka laga soo doorto deegaanka Kamkunji ee magaalada Nairobi


Jimco, December 07, 2012  (HOL) - laba qofood ayaa ku dhintay toban kalena waa ay ku dhaawacmeen qarax loo maleynayo bombka  gacanta laga tuuro oo lala beegsaday Masaajidka Al-Hidaaya ee waddada Jaam Street ee xaafdda Eastleigh.

Dadka uu dhawaaca ka soo gaaray ayaa waxaa ka mid ah Xildhibaan Yusuf Xasan oo ah mudane laga soo doortay deegaanka Kamkunji ee magaalada Nairobi, iyadoo xildhibaanka iyo dadka kale ee la dhaawacmay ay ku sugnaayeen nawaaxig masjidka Al-Hidaaya. Dhaawaca Xildhibaan Yusuf Xasan ayaa waxaa loo qaaday Isbitaalka Aga Khan.

Goobtii uu qaraxaas ka dhacay ayaa waxaa la soo dhoobay ciidamada ammaanka ee dalka Kenya. Sidoo kalena ganacsigii xaafadda Islii ayaa gabi ahaanba xirmay, waxaana aad u kacsan xaaladda xaafadda Islii ee magaalada Nairobi oo dhawaanahanba ay xaaladdeedu ahayd mid cakiran

Wixii khasaare kale oo uu geystay qaraxan kula soco wararkeena dambe haddii Alle idmo.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]