4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 6 , 2012
Maamulka Gobolka Bay oo Xabsiga dhigay sarkaal u shaqeynayay Hay'adda Cunnada iyo Beeraha Adduunka ee FOA
Khamiis, December 06, 2012 (HOL) — Maamulka gobolka Bay ee dowladda Soomaaliya ayaa xabsiga dhigay sarkaal ka tirsan hay'adda cunnada iyo beeraha adduunka ee FAO, kaasoo ciidamada Baydhabo ay xalay kala baxeen gurigiisa.

Sarkaal ka xabsiga la dhigay oo lagu magacaabo, Idiris Cabdi Dhakhtar ayaan la ogeyn sababta xabsiga loo dhigay inkastoo wararka laga helayo Baydhabo ay sheegayaan in maanta ay socdaan dadaallo lagu sii daynayo.

"Idiris wuxuu ahaa khabiir dhinaca beeraha ah, waxaana xalay lagala baxay gurigii uu ka degenaa degmada Baydhabo, lama oga sabab loo xiray," ayuu yiri sakaal ka tirsan ha'yadaha Qaramada Midoobay oo la hadlay HOL.

Maamulka gobolka Bay ayaa ka gaabsaday inay ka hadlaan xariga sarkaalkan, balse mas'uuliiin maamulka ka tirsan ayaa xaqiijiyay in sakaalka uu xiran yahay, balse way diideen inay sheegaan halka lagu hayo.

Xarigan sarkaalkan ka tirsan FAO ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo hay'addan ay dalbatay lacag ka badan 44 bilyan oo dollar si loogu caawiyo saddexda sano ee soo socota Soomaalida baahan, kuwaasoo ku sugan gudaha dalka iyo xeryaha qoxootiga.

Degmada Baydhabo ayaa waxaa horay dhowr jeer loogu xiray saraakiil ka tirsan hay'adaha Qaramada Midoobay iyo aqoonyahanno kale, kuwaasoo markii dambe lasii daayay, iyadoo maamulka uusan sheegin sababta loo xiray.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya