4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 6 , 2012
Madaxweynaha dalka Turkiga oo shaaca ka qaaday in XukuumaddaTurkiga ay gacan ka geysanayso dib u dhiska Soomaaliya
Khamiis, December 06, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Turkiga, Cabdalla Guul ayaa ku dhawaaqay Arbacadii shalay in shacabka iyo xukuumadda dalka Turkiga ay siin doonaan Soomaaliya taageero weyn oo dib loogu dhisayo, si ay beesha caalamka ugu noqdaan tusaale.

Hadalkan ayuu madaxweynaha Turkiga ka sheegay shir jaraa'id oo ay wadajir u qabteen isaga iyo madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo safar shaqo ku jooga dalkaas. Iyadoo labada mas'uul ay kawada hadleen sidii loo adkeyn lahaa xiriirka labada dal.

"Soomaaliya waxay gashay jawi cusub," ayuu yiri madaxweynaha Turkiga oo intaas ku daray: "Labada dal waxaa u dhexeeya xiriir qoto-dheer oo adag, waana taas tan keentay inaan ballanqaadno inaan dib u dhiska dalkaas gacan weyn ka geysanno."

Dowladda Turkiga ayaa sannadkii hore olole lagu caawinayo dadka Soomaaliyeed ka sameysay Muqdisho, kaddib markii uu booqasho ku yimid ra'iisul wsasaaraha dalkaas, Recep Tayyip Erdogan xilli ay beesha caalamku aad uga baqayeen inay booqdaan Soomaaliya oo ay colaado ka jireen; waxayna booqashadaas daaha u furtay xiriirka labada oo muddo maqnaa.

Turkiga waxay safaarad ka furteen Muqdisho iyagoo sidoo kalena billaabay inay diyaaradahooda duullimaadyo caalami ah ku tagaan Muqdisho markii ugu horreysay muddo ka badan labaatan sano.

"Arday Soomaaliyeed oo gaaraya 1,600 ayay dowladda Turkigu siisay waxbarasho heerar jaamacadeed ah, kuwaasoo wax ka barta dalkan," ayuu yiri Guul oo intaas raaciyay: "Turkiga waxay sidoo kale ka caawinayaan Soomaaliya dhismaha qaybaha kala duwan ee ciidamada sida milateriga iyo booliiska."

Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa isaguna sheegay in booqashada uu ku tagay dalka Turkiga ay tahay mid uu ku xoojionayo xiriirka labada dal oo dib u billowday, wuxuuna xusay inuu la kulmi doono inta uu ku sugan dalkaas ganacsatada Turkiga si ay maalgashi ugu sameystaan Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya