4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 4 , 2012
AMISOM oo Shaacisay inay Qaadayso Tallaabo ay ku adkenayso Ammaanka Jidka isku xira Marko iyo Lambar 50
Talaado, December 04, 2012 (HOL) — AMISOM ayaa sheegtay inay qaadayso tallaabo lagu adkeynayo ammaanka jidka isku xirta magaalada Marko ee xarunta gobolka Shabeellada Hoose iyo deegaanka Lambar 50 ee isla gobolka Shabeellada hoose, kaddib laba weerar lagu qaaday gaadiid kolonyo ah oo waday wasiirro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya oo ka dhacay waddadaas.

Kolonyo gaadiid ah oo ay la socdeen wasiirka arrimaha gudaha, C/kariin Xuseen Guuleed, wasiirka gaashaandhigga, C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi iyo wasiirka garsoorka, C/llaahi Abyan Nuur ayaa shalay lagu weeraray inta u dhexeysa Marko iyo Muqdisho, iyadoo dagaalkaas uu khasaare kasoo gaaray ilaaladii wafdiga.

"Ciidamada AMISOM waxay ka shaqeynayaan sidii ay shacabka Soomaaliyeed ku heli lahaayeen ammaan, taasna way sii socoonaysaa. Sidoo kale ciidamadeennu waxay kala shaqeynayaan dowladda Soomaaliya sidii amaanka dalka oo dhan lagu xaqiijin lahaa," ayuu taliyaha AMISOM, Jen. Andrew Gutti ku yiri warsaxaafadeed ay soo saareen.

Taliyuhu wuxuu sheegay in Al-shabaab looga adkaaday dagaalladii lagula galay gobollada Koonfurta Soomaaliya, lana sii wadayo sidii lagu xaqiijin lahaa goobaha yaryar ee ay weerarrada ka geystaan. Isagoo xusay in weerarkii dhacay uu ahaa mid ku dhacay qaab dhuumaaleysi ah.

"AMISOM waxay sii wadi doontaa taageerada ay dowladda Soomaaliya siinayso ee ku aaddan dhismaha ciidamada xoogga dalka iyo sidii Al-shabaab looga saari lahaa dalka oo dhan," ayuu Jen. Gutti hadalkiisa ku daray.

Ugu dambeyn, warsaxaafadeedka AMISOM waxaa lagu sheegay in ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika oo iskaashanaya ay Al-shabaab ka saareen deegaanno badan oo ku yaalla Koonfurta Soomaaliya uuna howgalka sii socon doono inta Al-shabaab laga adkaanayo.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya