4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 31, 2012
Mudaharaadkii ka dhacay Magaalada Boorame oo keenay khasaare Nafeed iyo Madaxda dhaqanka oo nabad ku baaqay

Isniin, December 31, 2012 (HOL) — Hal qof ayaa ku geeriyooday, ilaa saddex kalana way ku dhaawacmeyn Mudaharaad balaadhan oo shalay ilaa xalay fiidkii ka socday magaaladda Boorame, kaas oo lagaga soo horjeeday farogelin ay sheegeen inay xukuumaddu ku hayso doorashadda golaha deegaanka ee degmadda Saylac.

Mudaharaadkan ayaa dib u bilaabmay ka dib markii uu magaaladda shalay galab yimid wefti balaadhan oo uu hogaaminayey madaxweyne ku xigeenka Somalilnad Cabdiraxmaan Saylici, kaas oo ay ku xidheen wadaddii u mari lahaa oo taayiro badan ku gubay, isla markaana dhagxaan la dhacay gaadiidkii weftiga oo khasaare soo gaadhay.

Haseyeeshee weftigii madaxweynaha oo ciidan badani isku xeeray ayaa ku soo degay hoteelka Rays ee magaaladda Boorame, kaas oo dadweyne cadhaysani ku soo urureen oo ay isku dayeen inay xoog ku soo jiidhaan ciidanka, waxaase rasaas farobadan oo ay ciidanku markii hore cirka u ridayeen hoos ugu dhigeen dadweynihii halkaasi oo khasaare dhimasho iyo dhaawacba lehi ka soo gaadhay dhallinyaradii mudaharaadaysay.

Si kastaba ha ahaatee, mudaharaadkii ayaa xalay fiidkii markii dambe iska soo gabogabaysmay, isla markaana ciidan badan oo la keenay halkaasi ay dadkii kala dareeriyey, haseyeeshee maanta duhurkii ayey markale mudaharaad kale oo rabshado wataa ka bilaabmay magaaladda Boorame, waxaanay kala xidheen wadooyinkii dadweynuhu ku gubeen taayiro, waxaase ku hawlan madax dhaqameedka gobolka oo isku dayaya inay dajiyaan dhallinyarada cadhaysan, iyagoo ugu baaqay inay rabshadaha la joojiyo wixii jirana nabadgalyo lagu dhamaystiro.

Sidoo kale waxa maanta la aasay wiilkii dhallinyarada ahaa ee xalay ku geeriyooday rasaastii ciidanka ku fureen dadweynihii mudaharaadayey , halka intii dhaawaca ahaydna lagu dawaynayo cisbitaalka magaaladda Boorame, kuwaas oo la sheegay in dhaawacoogu fudud yahay.

Weftiga madaxweynaha ayaa ilaa xalay ku jira shirar doceedyo uu la leeyahay waxgaradka iyo madax dhaqameedka gobolka sidii loo soo xalin lahaa khilaafka ka taagan doorashadii maayarnimo ee degmada Saylac oo dadka deegaankaasi ku kala aragti duwan yihiin cidii noqon lahayd maayarka degmadda Saylac.

Xildhibaanada golaha Deegaanka ee degmadda Saylac oo ka kooban 17 xildhibaan, ayaa toban ka mid ahi doorteen Maayir, halka todobaddii kalana waxba kama jiraan ku tilmaamay doorashadaasi maayarnimo, waxaana halkaasi ka taagan khilaaf cakiran oo ilaa hadda la maareyn kari waayey, maadaama oo beelaha wada degaa ku kala aragti duwan yihiin cidda noqonaysa maayarka degmadda Saylac oo beel waliba doonayso inay maayarka xaq u leeyihiin inay yeeshaan.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland