4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 30, 2012
Maxkamadda Darajada Koowaad ee Gobolka Bari oo xukunno ku ridday 17 qof oo ku eedeysnaa Burcad-badeednimo [Sawirro]


Axad, December 30, 2012 (HOL) —  Maxkamadda derejada 1-aad ee gobolka Bari - laanteeda magaalada Boosaaso- ayaa maanta xukuno kala duwan ku riddey eedaysaneyaal ay tiradoodu 17 qof gaareyso, kadib markii lagu helay ku lug lahaanshaha falal Burcad-badeednimo.

Eedeysaneyaasha maanta la xukumay ayaa qayb ka ahaa koox burcad-badeed ah oo ay todobaadkii hore ciidamada badda Puntland xoog kaga soo furteen markab ay muddo 3 sano ku dhow ku haysteen xeebaha Puntland.

Inkasta oo aan lagu guuleysan in dhamaan kooxdii markabka MV-iceberg haysatey gacanta lagu soo wada dhigo, waxaa hadana maanta maxkamada lahor keenay sadex kamid oo nolol lagu soo qabtay.

Gudoomiyaha maxkamadda Sheekh Aadan Aw-cabdi oo isagu si rasmi ah ugu dhawaaqay xukunka raggan, ayaa sheegay in sadexda nin ee maxkamadda lahor keenay labo kamid ah lagu ridey mid 10-sano oo xarig ah iyo ganaax lacageed oo gaaraya 50-Milyan oo Shilin Soomaali ah, midka harayna sadex sano.

Eedeysano lagu magacaabo Maxamed Macallin  islamarkaana diley mid kamid ahaa shaqaalaha markabka MV-iceberg -  oo Hindi ahaa- mid kalena labada dhegood ka jaray, waxaa isagoo maqan ay maxkamadu ku ridey xukun dil ah.

Eedeysane kale oo isagana magaciisa lagu soo koobay Khaalid wuxuu gudoomiyuhu sheegay in lagu xukumay xabsi daa'im, halka 12ka kale lagu ridey xukun ah xarig ay mudadiisu tahay 10sano oo uga bilaabanaya marka gacanta lagu soo dhigo.

Hub raggan lala soo qabtay oo isagana maxkamadda lahor keenay, isuguna jirey: 6qori oo AK-47 ah iyo hal qori oo PKM (Daba-jeex) ah ayey maxkamadu ku xukuntay in ay dowladdu si toos ah ula wareegto.

Waa markii labaad ee ay sanadkan maxkamadda gobolka Bari xukunno kala duwan ku riddo eedaysaneyaal lagu helay falal burcad-badeednimo.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya