4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 30, 2012
Manhajka waxbarashada Puntland oo lagu kordhiyay Maadooyinka gaar ah oo ka hadlay Nabadda iyo Dimuqraadiyadda
Axad, December 30, 2012 (HOL) — Maamulka Puntland ayaa laba maado oo cusub kusoo kordhiyay waxbarashada dugsiyada ku yaalla deegaannada uu maamulkaas ka taliyo, waxaana labadan maaddo ay kala yihiin maaddo lagu baranayo nabadda iyo mid lagu baranayo dimuqraadiyadda.

Wasaaradda waxbarashada ee Puntland ayaa shaaca ka qaadday in maadooyinkan lagu kordhin doono maaddooyinka waxbarashada dugsiyada kala duwan ee Puntland ku yaalla, si maskaxda dhallinyarada looga dhiso labadan maaddo.

"Lagama maarmaan ayay noqotay in labadan maaddo ee ku saabsan nabadda iyo dimuqraadiyadda lagu daro manaahijta waxbarasho ee ka baxa dugsiyada Puntland," ayuu yiri agaasimaha wasaaradda waxbarashada ee Puntland, Maxamed C/wahaab oo saxaafadda la hadlay.

Magaalada Garoowe ee xarunta Puntland ayaa lagu soo bandhigay shalay oo Sabti ahayd buug lagu magacaabay hagaha macallinka kaasoo ka hadlaya nabadda, dimuqraadiyadda iyo maamul-wanaagga, waxaana buuggan  soo saaristiisa iska kaashaday hay’adda horumarka iyo cilmi-baarista ee Puntland iyo hay’adda Inter Peace.

Macallimiinta wax ka dhiga dugsiyada Puntland iyo ardayda ayaa si weyn u soo dhaweeyay maadooyinka cusub ee lagu soo kordhiyay manhajka waxbarasho ee Puntland, iyadoo Puntland ay noqonayso deegaannadii ugu horreeyay oo laga hir-geliyo in waxbarahada lagu daro maaddo ka hadlaysa nabadda.

Baarlamaanka Puntland ayaa dhawaan ansixisay nidaamka xisbiyada badan oo looga gudbayo habkii hore ee awoodda lagu qaybsan jiray, taasoo ku dhisnayd qabiil iyadoo tani ay sahlayso in mas'uulka u tartamaya hoggaaminta Puntand ay shacabku soo doortaan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya