4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 3 , 2012
Roobab Mahiigaan ah oo Burburiyay Guryo ay ku noolaayeen Barakacayaal oo ku yaalla Muqdisho iyo Duleedkeeda
Isniin, December 03, 2012 (HOL) — Roobab xooggan oo Sabtidii lasoo dhaafay ka da'ay magaalada Muqdisho ayaa burburiyay guryo ka sameysan cooshado oo ay ku noolaayeen barakacayaal deegaannadoodii uga soo tagay dagaallo iyo abaaro ku dhuftay sannadkii hore.

Barakacayaashan ayaa markii hore ku noolaa guryo ay ka sameysteen baakado iyo baco ay isku xirxireen, kuwaasoo aan ka celin karin roobka, dhaxanta iyo qorraxda, iyadoo qoysaska barakacayaasha ah qaarkood ku waayeen caruurtoodii roobkii da'ay iyo qabowgii uu watay.

"Cunug yar oo aan dhalay 10 maalmood ka hor ayaa iiga dhibtay roobka iyo qabowga uu watay," ayay tiri gabar dhallinyaro ah oo codsatay inaan magaceeda la sheegin, iyadoo xustay in gurigii ay ku noolaayeen uu kusoo dubay, roobabkan uu ku da'yay muddo saacado ah korkooda.

Kaamamka qaarkood ayaa lagu arkayay biyo fara badan oo buuxiyay, kuwaasoo ay dadku ku dhex soconayaan si ay uga baxaan halkaas, waxaana tani ay sare u sii qaadday dhibaatadii ay horay u qabeen barakacayaasha ku nool kaamamka ku yaalla Muqdisho iyo daafaheeda.



Barakacayaashan ayaa waxay ku noolaayeen kaamamka ku dumay in ka badan hal sano, iyagoo roobabkan khasaaraha geystay ay yimaadeen xilli ay ka rajeynayeen xukuumadda cusub ee Soomaaliya inay ka caawiso sidii ay dib ugu noqon lahaayeen deegaannadii ay markii hore kasoo barakaceen.

Xaaladda barakacayaasha ayaa aad u xun, iyagoo sheegay inaysan haysan guryo ay ku noolaadaan, sidoo kalena aan weli kasoo gaarsiin wax gargaar ah, waxayna ku nool yihiin geedo hoostood, iyadoo dhaqaatiirtu ay ka digayaan in cudurro halis ah ay ka dillaacaan kaamamkaas.

"Waxaan ku baaqaynaa in barakacayaashan roobabku haleeleen lala soo gaaro deeq deg-deg ah oo isugu jirta guyo iyo gurmad caafimaad, si looga badbaadiyo inay ku dhacaan cudurrada faafa iyo kuwa ka dhasha qabowga maadaama aysan haysan guryo ay galaan," ayay ku taliyeen dhaqaatiirta Muqdisho qaarkood.

Dadkan ayaa waxay tan iyo sannadkii hore la dhibaatoonayeen macluul ka dhalatay abaartii ku dhufatay Soomaaliya, sidoo kalena ma haystaan guryo, cunno iyo biyo ay cabaan intaba, waxayna ugu baaqeen dowladda iyo hay'adaha deeqaha bixiya inay lasoo gaaraan gargaarro kala duwan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya