4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 3 , 2012
Dibadbax lagu Taageerayay Amarkii Madaxweynaha Somalia ee lagu qaaday Isbaarooyinka oo ka dhacay Muqdisho
Isniin, December 03, 2012 (HOL) — Dibadbax lagu taageerayay amarkii isbaarada lagu qaadayay ee uu dhawaan bixiyay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka dhacay garoonka Koonis Istaadiyum ee magaalada Muqdisho.

Bannaanbaxan ayaa waxaa ka qaybgalay mas'uuliyiin ka socday dowladda, kuwo ka socday maamulka gobolka Banaadir, saraakiil, fannaaniin iyo dadweyne fara badan, iyadoo lagu soo bandhigay goobta uu dibadbaxu ka dhacayay majaajilooyin looga sheekeynayay isbaarooyinka la qaaday.

"Waxaan caddeynaynaa in maanta aysan wax isbaarooyin ah aanay oolin gobolka Banaadir, marka waxaan codsanaynaa in caqabad walba laga gudbo, gaar ahaan waxaan codsanaynaa in laga baxo iskuullada, isbitaallada iyo xarumaha kale ee dowladda si looga adeego bulshada," ayuu yiri guddoomiyaha degmada C/casiis, C/llaahi Xuseen Fanax oo ku hadlayay magaca guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka.

Sidoo kale, waxaa halkaas ka hadlay agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha gudaha iyo ammaanka Qaranka, Nuur Axmed Diiriye ayaa sheegay in dibadbaxan uu caddeyn u yahay inuu fulay amarkii madaxweynaha ee isbaarooyinka lagu qaadayay.

"Waxaan halkan fariin u marinayaa dadka caadeystay inaysan fulin awaamiirta dowladda waxaan leennay ka waantooba. Toddobaadka soo socda waxaa billaaban doona kormeerro ay wasaaradda arrimaha gudaha sameyn doonto, kuwaasoo loogu kuurgalayo sida ay awaamiirta u fuliyeen, ciddii lagu helo inay jabisaynna waaxa loo aqoonsan doonaa inay tahay cid jabisay amarkii dowladda," ayuu yiri agaasimaha wasaaradda arrimaha dibadda.

Guddoomiye ku xigeenka dhinaca siyaasadda iyo arrimaha bulshada ee maamulka gobolka Banaadir, Cali Axmed Guure oo isaguna dibadbaxa ka hadlay ayaa sheegay in la garowsaday in Muqdisho ay tahay halka laga hagaajin karo dhibaatooyinka ka taagan gobollad dalka oo dhan.

Ugu dabeyn, waxaa dibadbaxa ka hadlay wasiirka wasiirka howlaha guud, dib u dhiska, gaadiidka cirka dhulka iyo badda xukuumadda Soomaaliya, Muxyadiin Max'ed Kaalmooy oo uga mahadceliyay maamulka gobolka Banaadir fulinta amarkii kasoo baxay madaxweynaha Soomaaliya ee lagu qaadayay isbaarooyinka.

"Go'aannada dowladda oo dhan waa in nabadgalyo lagu soo dabbaalo dalka, wixii xunna la iska qabto, dalkeennana aan dib u dhisanno, waayo caasimaddeennu waxay ka tilmaannayd caasimadaha caalamka, in sideedii lagu soo celinaya waxay ku jirtaa gacmaha shacabka," ayuu yiri Kaalmooy.

Bannaanbaxan ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo 60 isbaaro oo taallay gudaha gobolka Banaadir laga qaaday, kuwaasoo gaadiidka looga qaadi jiray lacago sharci-darro ah, balse dadweynaha ayaa weli ka cabanaya in gaadiidleydu aysan hoos u dhigin qiimihii lagu raaci jiray gaadiidka.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya