4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 3 , 2012
Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya oo cod aqlabiyad ah ku ansixiyay Xeer Hoosaadyada Baarlamaanka
Isniin, December 03, 2012 (HOL) — Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku ansixiyay xeer hoosaasyada uu baarlamaanka Soomaaliya ku shaqeyn doono afarta sano ee soo socota, iyadoo aanay jirin cid kasoo horjeesatay iyo cid ka aamustay.

Kulanka ay xaadireen 188 mudane ayuu guddoomiyaha baarlamaanku, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) wuxuu sheegay in xidihbaannadii kulanka soo xaadiray oo dhan ay ku codeeyeen HAA, isagoo xusay inaysan jirin cid kasoo horjeesatay.

"Mudanayaashii kulanka maanta soo xaadiray waxay tiradoodu ahayd 188 xubnood, dhammaantoodna waxay u codeeyeen xeer hoosaadyada baarlamaanka oo 11 cutub ka kooban, sidaa daraadeed xeerka waa ansax wixii maanta ka dambeeya," ayuu yiri Prof. Jawaari oo codeynta kaddib hadlay.

Codeynta ka hor ayay xildhibaanno hadlay waxay sheegeen in qodobbo ka tirsan xeer hoosaadyada wax laga bedelo, inkastoo wadatashiyo badan kaddib la isku af-gartay qodobbadaas, lana geliyay xeer hoosaadka codeyn gacan taag ahayd.

Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxay toddobaadyadii lasoo dhaafay ka doodayeen xeerka maanta la ansixiyay, iyadoo guddi gaar ah oo loo saaray ay dib u habeyn ku sameeyeen xeerka oo markii hore qodobbadiisu aad u badnaayeen.

Baarlamaanka Soomaaliya oo ka kooban 275 kursi lana sameeyay sannadkan ayaa sameyn doono afarta sano ee soo socota, iyadoo baarlamaanku uu soo doortay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya iyo guddoonka baarlamaanka, waxaana uu noqonayaa baarlamaankii ugu horreeyay oo joogto ah labaatan sano kaddib.

Toddobaadkii hore ayuu baarlamaanka Soomaaliya meel-mariyay miisaaniyadda uu ku shaqeynayo sannadka soo socda, taasoo cadadkeedu ka badan yahay 14 milyan oo doollarka Mareykanka ah.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya