4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 3 , 2012
Dagaal Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab ku dhexmaray duleedka degmada Bardaale
Isniin, December 03, 2012 (HOL) — Ugu yaraan shan ka mid ah dhinacyadii dagaalku u dhexeeyay ayaa ku dhintay dagaal culus oo shalay gallinkiii dambe ku dhexmarya duleedka degmada Bardaale ee gobolka Bay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo xoogagga Al-shabaab.

Mas'uuliyiinta gobolka Bay iyo Al-shabaab ayaa mid walba wuxuu dhiniciisa sheegay inay iyagu weerarka qaadeen, iyadoo guddoomiyaha gobolka Bay uu sheegay in howgalkaas ay ku dileen sarkaal sare oo ka tirsan Al-shabaab iyo afar xubnood oo kale.

"Shalay ciidamada xoogga dalka ee ku sugan degmada Ceelbarde waxay weerar ku qaadeen deegaanka Buulo-xaawo oo 18-km dhinaca bari ka xigta degmada Bardaale, halkasoo ay Al-shabaab ku urursan jireen raashin ay ka qaadeen dadka ku nool deegaannada ay ku nool yihiin, waxaana noo suurogashay inaan ku dilno shan xubnood oo uu ku jiro sarkaal sare oo lagu magacaabo Maxamed Xaaji," ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Bay, C/fataax Maxamed Geeseeye  oo saxaafadda la hadlay.

Geeseeye wuxuu hadalkiisa ku daray in sarkaalka ay ku dileen howgalka uu horay u ahaan jiray taliyeyaasha booliiska gobolka Bay, balse uu ku biiray Al-shabaab uuna hadda ahaa mid ka mid ah hoggaamiyeyaasha Al-shabaab ee weli ku sugan gobolka.

Xarakada Al-shabaab ayaa dhankeeda sheegatay inay iyadu weerar ku qaaday ciidammo ka tirsan kuwa dowladda, ayna halkaas ku dishay tiro badan oo ciidammo ah, inkastoo aysan dhankeeda sheegin khasaaraha soo gaaray.

Warar ka madaxbannaan  labada dhinac ayaa HOL u xaqiijiyay in shan ka mid ah dhinacyadii dagaalamay ay ku dhinteen dagaalka tiro intaas ka badann ay kasoo gaareen dhaawacyo kala duwan, iyadoo weli ay kacsan tahay xaaladda deegaankii shalay lagu dagaalamay.

Gobolka Bay ayaa waxaa inta badan ka dhaca iskahorimaadyo u dhexeeya ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaashanaya kuwa Itoobiya iyo Xoogagga Al-shabaab, iyadoo dagaalladaas ay khasaare kasoo gaarto dadka shacabka ah.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya