4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 29, 2012
Nabaddoon muddo Toddobaad ah ku xirnaa Magaalada Garoowe ee Puntland oo Maanta dib u helay Xoriyaaddiisa

Sabti, December 29, 2012 (HOL) — Xabsiga dhexe ee magaalada Garoowe waxaa maanta laga sii daayey dhowr qof oo uu kamid yahay nabadoon Yaasiin Cabdisamed, kuwaasoo ay dhowaan ciidamada Boolisku xireen.

         Nabadoon Yaasiin Cabdisamed

Dadka nabadoon Yaasiin lala sii daayey waxaa kamid ah Cabdikaafi Xasan Maxamed oo isagu ah nin indhoole ah, horayna uga tirsanaa hay'adda daryeelka bulshada Puntland, haseyeeshee dhowaan wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweyne ku-xigeenka xilka looga qaaday.

Xarigga dadkan ayaa ahaa mid la xiriira arimo siyaasadeed, waxaana xusid mudan in Nabadoon Yaasiin Cabdisamed uu dhowr mar oo hore dhaleeceyn dusha uga tuuray xukuumadda Puntland.

Nabadoonka oo kamid ah waxgaradka sida weyn looga tixgeliyo gobolka Mudug, waxaa xabsiga loo taxaabay 22-dii bishan December, isagoo muddo todobaad ah xabsiga ku jirey.

Waxaana xubno ka agdhow oo HOL la hadlay ay sheegeen in sii deyntiisa ay gacan weyn ka geysteen Isimo iyo cuqaal kale oo iyaguna kasoo jeeda gobolka Mudug.

Weli ma jiro wax war ah oo la xiriira siideynta mas'uuliyiintan oo kasoo baxay dhinaca dowladda, iyadoo xubno ka tirsan maamulka gobolka Nugaal oo aan xiriir la samaynayna ay ka gaabsadeen in ay faahfaahin ka bixiyaan.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya