4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 29, 2012
Safiirka Yemen ee Somalia oo Puntland soo gaaray iyo Bad-maaxiin dalkaas u dhashay oo shalay Boosaaso ka dhoofay
Sabti, December 29, 2012 (HOL) — Garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso waxaa ka dhoofay badmaaxiin u dhashay dalka Yemen, kuwaas oo muddo 3 sano ku dhow u afduubnaa kooxo ka tirsan Burcad-badeedka Soomaalida.


Badmaaxiintan oo qayb ka ahaa shaqaalaha markabka MV-iceberg oo ay dhowaan ciidamada badda ee Puntland xoog kusoo furteen, waxaa u yimid mas'uuliyiin ka socota dalka Yemen.

Waxaana kamid ahaa danjiraha dalka Yemen u qaabilsan Soomaaliya  Cali Mascuud iyo weliba xubno kale oo ka socdey wasaaradda arimaha dibadda ee dalka Yemen.

Kulan balaaran oo dhex maray madaxweynaha Puntland iyo safiirka Yemen, islamarkaana ay ka qayb galeen xubno ka tirsan golaha wasiirada, maamulka gobolka Bari iyo Isimo ayaa gelinkii danbe ee shalay ka dhacay xarunta ciidamada badda ee ku taal duleedka magaalada Boosaaso.


Kulanka oo ahaa mid lagu soo dhoweynayey madaxda ka timid dhinaca Yemen, laguna sagootinayey badmaaxiinta dalkaas u dhashay ee mudada dheer ku jirey gacanta Burcad-badeedka, ayaa laga soo jeediyey khudbado kala duwan.

Danjire Cali Mascuud ayaa maamulka Puntland uga mahadceliyey sida ay isaga xil saareen soo badbaadinta nolosha muwaadiniinta u dhashay Yemen iyo dhamaan badmaaxiinta kale ee lala haystey.

MV ICEBERG-1 oo ay saarnaayeen 22 badmaax, islamarkaana ay Burcad-badeedku qabsadeen March 2010, waxaa dhowaan xoog kusoo furtay ciidamada badda Puntland kadib markii ay labo todobaad ku hareeraysnaayeen, iska horimaad khasaare dhaliyeyna uu dhex maray iyaga iyo kooxdii haysatey.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya