4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 29, 2012
Mid kamid ah Nabaddoonnada Puntland ee Gobolka Mudug oo xalay lagu dilay Waqooyiga Magaalada Gaalkacayo

Sabti, December 29, 2012 (HOL) — Nabadoon kamid ahaa kuwa ugu caansan Puntland, laguna magacaabi jirey Maxamuud Aadan Dalab (Goobe) ayaa xalay fiidkii lagu diley magaalada Gaalkacayo ee xarunta gobolka Mudug.

Dabley hubeysan oo aan ilaa iyo hadda haybtooda la aqoonsan ayaa la sheegay in ay nabadoonka toogteen, xilli uu kasoo baxayey masjid uu salaadda Cishaha ku tukadey.

Nabadoonka oo xabbado dhowr ahi ay ku dhaceen, wuxuu ku geeriyoodey Isbitaalka weyn, halkaas oo markii hore dhaawac ahaan loo geeyey.

Goobta uu dilku ka dhacay oo ka tirsan xaafadda Israac, waxaa daqiiqado kadib soo gaarey ciidamada Booliska, haseyeeshee cidna falkaas looma qaban.

Maxamuud Aadan Dalab (Goobe) oo kamid ahaa waxgaradka sida weyn looga tixgeliyo gobolka Mudug, waxaa lagu wadaa in saacadaha soo socda lagu aaso xabaalaha (Cir-jiife) ee magaalada Gaalkacayo.

Bishii November ee lasoo dhaafay 20-keedii ayey ahayd markii sidan oo kale magaalada Gaalkacayo loogu diley Aadan Faarax Dheere oo isaguna ka tirsanaa nabadoonada iyo waxgaradka gobolka Mudug.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya