4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 28, 2012
Madaxweynaha Somaliland oo furay Shirweynihii Dalladda ay ku Mideysn yihiin Ururrada Dhallinyaradu Somaliland


Jimco, December 28, 2012 (HOL)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa ka qayb galay munaasibad lagu furayay shirweynahii Lixaad ee Dalladda dhalinyarada Somaliland ee SONYO.

 

Shirweynahan dalladda ay ku midaysan yihiin dhallinyaradda Somaliland oo ka qabsoomay hoteelka Ambassodor ee magaaladda Hargeysa, ayaa waxa ka soo qaybgalay madaxweynaha  Somaliland, hogamaamiyeyaasha saddexda xisbi, wasiiro iyo hay’adaha caalamiga ah, kuwaas oo lagu casuumay shirweynahan.

 

Gudoomiyaha wakhtigiisii dhamaaday ee SONYO Axmed Cabdi Wacays ayaa u mahadnaqay madaxda ka soo qaybgashay shirweynahooga, waxaanu ka warbixiyey mudadii labadda sanno ahaa ee ay xilka hogaanka sare ee daladda ay hayeen wixiii u qabsoomay, iyagoo tilmaamay inay wax badan qabteen, isla markaana sumcaddii daladda ay kor u qaadeen.

 


Mr. Wacays waxa uu sheegay in mudadii ay shaqaynayeen ay kulamo badan oo muhiim u ahaa Somaliland ay kaga qayb galeen dalka dibadiisa, kuwaasoo waxyaabaha lagaga hadlayey qayb ka ahaayeen kor u qaadista horumarinta dhalinyarada, waxana uu Madaxweynaha uga mahadnaqay sida uu uga dhabeeyey ballanqaadkii xisbiga Kulmiye ee ahaa Da’da ay dhallinyaradu kaga qayb geli karaan siyaasadda, isagoo halkaasi ku soo bandhigay dhallinyaro ka faa’iidaystay oo doorashadii ku soo baxay ka dibna degmooyinka qaar ka noqday maayaro sida maayarka Boorame oo hore uga mid ahaa dalladda Sonyo iyo maayarka Degmadda Oodweyne.

 

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo isna halkaasi ka hadlay, ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay inuu furo shirweynaha 6-aad ee Dallada Dhallinyarada Somaliland ee SONYO, waxaanay dalladu madaxweynaha ku guddoonsiisay halkaasi shahaado sharaf ay ugu tallo gashay madaxweynaha kaalintii uu ka qaaday hirgalinta xeerkii wax laga bedelay ee xakamaynaysay inay dhallinyaradu ka qaybgalaan doorashooynka dalka ka dhacay , waxaana uga mahadnaqeen doorkii uu ka qaatay inuu dabarkii laga jaro xeerkii dhallinyaradda dabraysay ee ka hor taagnayd inuu siyaasadda ka qaybgallo.

 


Wasiirka dhallinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland Md Cali Siciid Raygal oo munaasibadaasi ka hadlay ayaa sheegay in wasaarad ahaan ay wada shaqayn buuxda la leeyihiin dalladda Dhalinyarada ee Sonyo, xukuumaduna ay suuro gelisay in 80% dadka ka shaqeeya hay’adaha iyo wasaaradaha Dawladdu ay ka soo jeedaan safafka dhalinyarada.

 

Sidoo kale, waxa iyaguna halkaasi ka hadlay gudoomiyeyaasha saddexda xisbi qaran ee KULMIYE, WADANI iyo UCID, kuwaas oo dhamaantood u hambalyeeyey dhallinyaradda.

 

Shirweynahan oo socon doona muddo laba cisho ah ayaa maanta lagu dooran doonaa hogaanka cusub ee labadda sanno ee soo socda xilkaasi la wareegi doonna, waxaana madasha shirkaasi ka socda olole weyn oo musharax waliba ergooyinka shirkaasi ka soo qaybgalay doonayo inuu kasbado si uu cod uga helo, waxaanu shirkaasi soo gabogaboob ayaa caawa.

 

Dalladda sonyo ayaa labaddii sanaba mar iskugu  yimaado shirweyne qaran oo lagu soo doorto hogaanka cusub ee daladda, waxaana daladda xubno ka ah 54 urur oo kala socda goboladda uu dalku ka kooban yahay.

 



Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland