4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 28, 2012
Dhakhaatiir Soomaaliyeed oo Tababar Caafimaad loogu soo gaba-gabeeyay Magaalada Ankara ee dalka Turkiga

Jimco, December 28, 2012 (HOL) — Dhakhaatiir Soomaaliyeed ayaa tababar caafimaad loogu soo gabgabeeyay dalka Turkiga, waxaana hadal u jeediyay dhakhaatiirtaas oo tiradoodu ahayd 17 ruux wasiiradda horumarinta adeegga bulshada, Maryan Qaasim Axmed.

Dhakhaatiirtan ayaa waxay barteen umulinta iyo badbaadinta ubadka, waxaana tababarkoodu uu socday muddo bilooyin ah, iyadoo lagu wado inay dalka dib ugu soo laabtaan ayna ka howlgalaan isbitaallada Muqdisho.

 

“Runtii tani waa howl wanaagsan oo ay gacan naga siiyeen walaalaheenna Turkiga waana uga mahadcelinaynaan. Dhakhaatiirtan waxay wax badan ka bedeli doonaan xaaladda dalka, gaar ahaan arrimaha la xiriira umulinta iyo badbaadinta ubadka,” ayay tiri Maryan Qaasim

 

Sidsoo kale, wasiirraddu waxay kulammo la yeelatay mas’uuliyiin ka tirsan dalka Turkiga, iyadoo kala hadashay sidii Turkiga ay u sii wadi lahaayeen taageerada ay siiyaan shacabka Somaaliyeed, gaar ahaan arrimaha horumarinta bulshada.

Kulammada ay wasiiraddu la qaadatay mas’uuliyiinta dalka Turkiga ayaa waxaa goobjoog ka ahaa: danjiraha safaaradda Soomaaliya ee Turkiga, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo ka mid ah howlwadeennada safaaradda Soomaaliya.

 

Dowladda Turkiga ayaa waxay tan iyo sannadkii hore ka wadda gudaha Soomaaliya howlo bani’aadamnimo oo lagu caawinayo shacabka Soomaalida, kuwaasoo ay ku dhufteen abaaro xooggan oo sababay macluul.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya