4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 27, 2012
Madaxweynaha Puntland iyo Xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada oo Booqday Jaamacadaha Magaalada Boosaaso [SAWIRRO]


Khamiis, December 27, 2012 (HOL)- Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Maxamed (Faroole) iyo xubno ka tirsan golihiisa wasiirrada ayaa maanta booqday qaar kamid ah jaamacadaha ku yaalla magaalada Boosaaso.

 

Ugu horreyn waxay madaxweynaha iyo wefdigiisu tageen Jaamacadda Muqdisho - laanteeda magaalada Booosaaso- halkaas oo ay ardeyda kula hadleen. Waxyaabihii uu madaxweynuhu ardayda ku booriyey waxaa kamid ahaa: sidii ay waxbarashada uga soo dhalaali lahaayeen horumarka iyo xasiloonidana uga qayb qaadan lahaayeen.

 

"Ammaanka waa inaad ka qayb qaadataan, haddii dadku is laayo oo la dirir, ma waxbaad baran lahaydeen?! amniga cid kasta oo xumeynaysa la dirira" Faroole ayaa yiri.

 


Madaxweynaha iyo wefdigiisa ayaa intaas kadib u gudbey dhinaca jaamacadda bariga Africa - oo ah tii ugu horeysey ee Puntland laga furo- wuxuuna ardayda wax ka barata ku booriyey in ay dadaalaan.

 

Si gaar ah wuxuu ugu hanbalyeeyey una dhiiri geliyey ardayda barata caafimaadka, isagoo sheegay in barashada caafimaadku ay tahay mihnad waxtar fiican leh. "Waa nasiib wanaagsan inaad caafimaadka barataan, go'aanka aad qaadateenna waan idinku dhiiri gelinayaa".

 

Waa markii ugu horeysey intii lagu guda jirey sanadka 2012 ee uu madaxweynaha Puntland booqdo qaar kamid ah xarumaha tacliinta sare ee magaalada Boosaaso.



Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online

[email protected]

Puntland, Soomaaliya