4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 27, 2012
Al-shabaab oo ku hanjabtay inay sii wadayso duqeymaha iyo weerarada ay la beegsanayso Magaalada Magaalada

Khamiis, December 27, 2012 (HOL) — Xarakada Al-shabaab oo bishii Ogoosto ee sannadkii hore isaga baxday degmooyinka gobolka Banaadir ayaa ku goodisay inay sii wadi doonto weerarrada duqeymaha ah ee ay la beegsanayso madaxtooyada Soomaaliya, halkaasoo ah goobta ugu weyn ee ay dowladda Soomaaliya ku shaqeyso.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ee Al-shabaab, Sheekh Cali Maxamed Xuseen ayaa sheegay in maalmihii ugu dambeeyay ay howgallo kawadeen magaalada Muqdisho, isagoo xusay in weerarradaas ay ka mid ahaayeen madaafiic ay ku weerareen Villa Somalia, taasoo uu sheegay inay ka yaabiyeen dowladda iyo taageerayaasheeda.

"Habeennadii ugu dambeeyay Mujaahidiintu waxay ka fuliyeen Muqdisho weerarro kala duwan, waxaana ka mid ahaa madaafiic lagu weeraray madaxtooyada oo ah meesha ugu weyn ee ay dowladdu ku shaqeyso. Weerarradaas waxay dhaliyeen fajac iyo amakaag ku dhacay madaxda dowladda iyo dalalka taageersan," ayuu yiri guddoomiyaha Al-shabaab ee gobolka Banaadir.

Sheekh Cali Maxamed Xuseen wuxuu ku goodiyay inay sii wadi doonaan duqeynta ay la beegsanayaan xarunta madaxtooyada iyo weerarrada kale ee ay ka fulinayaan Muqdisho, isagoo intaas ku daray in dowladda iyo AMISOM ay ku fashilmeen inay sugaan ammaanka magaalada Muqdisho oo aan hadda la isku halleyn karin.

Hadalka mas'uulkan u hadlay Al-shabaab ayaa wuxuu kusoo beegmayaa xilli ay mas'uuliyiinta dowladdu sheegeen inay Muqdisho ka billaabeen howlgallo joogto ah oo lagu sugayo ammaanka caasimadda Soomaaliya, kuwaasoo socon doona habeen iyo maalin.

Xarakada Al-shabaab oo muddo sannado ah isku dayaysay inay xukunka ka tuurto dowladdii KMG ahayd ee Soomaaliya ayaa hadda u muuqata inay awood ahaan aad hoos ugu dhaceen, kaddib markii sannadkan oo keliya laga qabsaday degmooyin ay awood badan ku lahayd.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya