4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 26, 2012
Saraakiisha Maamulka Gobolka Hiiraan iyo AMISOM oo ku Wargaliyay dadka deggen Xeryihii hore ee Ciidamada inay isaga guuraan
Arbaco, December 26, 2012 (HOL) — Saraakiisha maamulka gobollka Hiiraan iyo kuwa Jabuuti ee howlgalka midowgga Africa ayaa ugu baaqay in ay sida ugu dhaqsiyaha badan uga guuraan dadka degan xeriyihii hore ee militariga magaalada Baladweyne.

Taliyaha ciidamada maamulka gobollka Hiiraan Col Towane Axmed Gurey oo warbaahinta la hadllay ayaa sheegay in dadka degan xeryaha ciidamada gaar ahaan xaradihii hore ee Lama-galaay wax yar uu ka dhiman tahay waqtigii loo qabtay, sidaa daraadeed loo baahan yahay dadka degan isaga baxaan.

"Horay ayaan ugu dignay dadka, dabcan waqtigii loo qabtay waa uu sii dhamanaayaa, sidaa daraadeed waxaa uu qorshuhu yahay marka uu dhamaado waqtiga ka dhiman xiliga loo qabtay dadka degan xeryaha maamulka howshiisa ayuu fushan doonaa oo ah in halkaa ciidamo la dajiyo,’’ ayuu yiri taliyaha ciidamada Towane Gurey.

Sidoo kale taliyaha ciidamada Jabuuti ee howlgalka midowgga Africa Col Cismaan Dubad ayaa sheegay in aysan suurtagal aheyn in ay meel kaliya wada deganaadaan  ciidamo iyo dad shacab ah, loona baahan yahay in ay ciidamada helleen xeryo iyaga u gaar ah.

"Hadda ciidamada waa ay ku dhax jiraan xerada {Lama-galaay} sidaa daraadeed suurtagal ma’aha in ay si dhax degnaadaan ciidamada iyo dadka shacabka ah," ayuu yiri Col. Cismaan Dubad.

Warka ka soo baxay saraakiisha maamulka gobollka iyo kuwa AMISOM ayaa waxaa cabasho ka muujiyay qoysaska mudada dheer deganaa xerada Lama-galaay kuwaasoo sheegay in aysan garaneynin meel ay wajahaan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya