4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 26, 2012
Maamulka Gobolka Bay ee Dowladda Soomaaliya oo Xabsiga Baydhabo kasii daayay Sakaal u shaqeynayay Hay'adda FAO
Arbaco, December 26, 2012 (HOL) — Maamulka gobolka Bay ee dowladda Soomaaliya ayaa xabsiga kasii daayay sarkaal u shaqeynayay hay'adda beeraha iyo cunnada adduunka ee FAO kaasoo muddo laabatan sano ah u xirnaa maamulka oo sheegay inay uga shakiyeen inuu gacan-saar la leeyahay Al-shabaab.

Sarkaalka oo lagu magacaabo Idiris Cabdi Dhakhtar ayaa waxaa gurigiisa kala baxay ciidammo ka tirsan kuwa maamulka gobolka Bay, iyadoo saraakiisha booliiska ee degmada Baydhabo ay sheegeen in sarkaalkan lagu eedeeyay inuu jaajuus u ahaa Al-shabaab ayna baaritaanno ku sameynaan.

"Idiris Dhakhtar gallinkii dambe ee shalay ayaa xabsiga Baydhabo laga sii daayay, kaddib dadaallo ay sameeyeen ururrada bulshada rayidka ah iyo waxgaradka," ayuu yiri goobjooge ku sugan Baydhabo oo si dhow ula socday xariga sarkaalka. "Kama uusan hadlin maamulku weli sii daynta sarkaalka."

Taliyaha booliiska gobolka Bay, Col. Mahad C/raxmaan oo saxaafadda la hadlayay horraantii bishan oo ahayd markii la xiray sarkaalkan ayaa sheegay inay heleen xog ku saabsan in sarkaalkan uu gacan-saar la leeyahay Al-shabaab iyaguna ay baaris ku sameyn doonaan, isagoo xusay inaysan waxba ka gelin darajadiisa iyo halka uu u shaqeeyo.

Sarkaalka lasii daayay ayaa isaguna ka hadlin xarigiisa iyo sii-dayntiisa, iyadoo la sheegay inuu ku sugan yahay gurigiisa uuna caafimaad qabo, waxaana tani ay noqonaysaa tallaabadii ugu horreysay oo ururrada bulshada gobolka Bay ay cadaadis ku saaraan maamulka gobolkaas.

Degmada Baydhabo ayaa waxay ka mid tahay degmooyinkii xoogagga Al-shabaab laga qabsaday horraantii sannadkan, waxaana tan iyo xilligaas ka dhacayay falal kala duwan oo isugu jira dilal qorsheysan, weerarro iyo qaraxyo ay dad badan oo shacab ahi waxyeello kasoo gaartay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya