4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 26, 2012
Booliiska Somalia iyo Booliiska AMISOM oo Muqdisho ka sameeyay howl-gallo lagu qabqabtay kooxo hubeysan
Arbaco, December 26, 2012 (HOL) — Ciidamada booliiska Soomaaliya iyo booliiska AMISOM ayaa maanta howgallo wadajir ah oo ay ku qabqabteen kooxo hubeysan ka sameeyay degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir, iyadoo kooxihii howgalka lagu qabtay la sheegay inay ku jireen rag ku labisan dharka ciidamada dowladda.

Howgalkan ayaa la sheegay inuu ahaa mid looga hortagayo kooxo ku labisan dharka booliiska Soomaaliya oo gaadiidka ka qaata lacago baad ah iyo kuwo kale oo iyana dhibaatooyin dhinaca ammaanka ah ku hayay shacabka ku nool degmadaas.

"Booliiska dowladda Soomaaliya iyo booliiska AMISOM oo wata gaadiid dagaal ayaa maanta howgallo ammaanka lagu sugayay ka sameeyay bacadlaha illaa afar irdood waxayna ku qabqabateen kooxo dhibaatooyin ku hayay bulshada oo xirnaa dharka ciidamada dowladda," ayuu yiri ganacsade dukaan ku leh agagaarka bacadlihii hore ee Xamarweyne oo sababo ammaan magaciisa u qariyay.

Kooxaha la qabqabtay ayaa waxay tiradoodu ka badnayd 20 ruux, waxaana intooda badan ay xirnaayeen dharka ciidamada, iyadoo tani ay farxad weyn gelisay dadka ku ganacsada goobahaas iyo wadayaasha gaadiidka dadweynaha oo ay kooxahaasi lacago ka qaadi jireen.

"Anigu waxaan arkay 18 ruux oo booliiska iskaashanaya ay qabteen, qaarkood dhar ciidan ayay xirnaayeen, qaarka kalena dhar caadi ah ayay xirnaayeen, gabigood waxaa la saaray gaari ay ciidamadu wateen waana la waday," ayuu yiri goobjooge ku suganaa afar-irdoodka xilligii uu howlgalku socday. "Ma garanayno halka lala aaday, balse aan soo dhaweynaynaa in la qabqabto kuwaas, waayo dhibaato ayay ku hayeen dadka."

Howgalkan ayaa noqonaya kii ugu horreeyay noociisa oo ay si wadajir ah Muqdisho uga sameeyaan booliiska Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo ka howgala degmooyinka Muqdisho qaarkood, waxaana howgalkan uu daba-socday midkii isbaarooyinka looga qaadayay Muqdisho.

Inkastoo magaalada Muqdisho laga qaaday isbaarooyinkii muuqday ee gaadiidka looga qaadi jiray lacago aan sharci ahayn ayaa haddana waxaa weli jira isbaarooyin yar-yar oo gaadiidka looga qaado lacago, kuwaasoo aan u muuqan sida kuwii la qaaday.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya