4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 24, 2012
Garab ka tirsan Jabhadda ONLF oo sheegtay inay Wadahadallo Nabadeed la Furanayaan Dowladda Itoobiya
Isniin, December 24, 2012 (HOL) — Garab ka mid ah jabhadda ONLF ayaa sheegay Axaddii shalay inay raadinayaan sidii ay wadahadallo nabadeed ula furan lahaayeen dowladda Itoobiya oo muddo ka badan 30-sano ay dagaal kula jireen.

Jabahadda xoreynta Ogaadeeniya (ONLF) ayaa tan iyo sannadkii 1980 waxay kula jireen dowladda Itoobiya dagaal ay ku doonayeen in dhulka Soomaalidu degto ee Itoobiya uu noqdo mid ka madaxbannaan xukunka Addis Ababa.

Wakiilka ONLF ee bariga Afrika, Cabdinuur Cabdulaye Faarax ayaa sheegay inuu ku sugan yahay xarunta dalka Itoobiya isagoo rajeynaya inuu wadahadal la yeesheen xukuumadda Itoobiya, mana uusan sheegin cid dhexdhexaadinaysa iyaga iyo Itoobiya.

"Dadka intooda badan waxay aad u doonayaan nabad. Dad aad u yar ayaa hadda taageera jabhadda," ayuu Faarax ugu sheegay wariyeyaasha garoonka diyaaradaha ee Addis Ababa. Isagoo intaas ku daray in fikirkan uu salka ku hayo sidii ay dadka ku nool deegaanka Soomaalida Itoobiya ay ku heli lahaayeen nabad.

Garabkan wadahadallada la furayaan dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in 80% ay iyaga hoos-ymaadaan xoogagga ONLF; iyadoo la xusuusto in dowladda Itoobiya iyo garab horay uga go'ay jabahaddan ay wadahadallo nabadeed u furmeen.

"Wadahadallo hordhac ah ayaa ONLF iyo Itoobiya ku dhexmaray magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya laba bilood ka hor," ayuu yiri Faarax oo sheegay inay aqbali doonaan shuruudaha lasoo jeediyo.

Garabka ONLF ee uu hoggaamiyo Admiral Maxamed Cumar Cismaan ayaa iska diiday inay qayb ka yihiin kooxaha wadahadallada la furaya Itoobiya, iyadoo war garabkan kasoo baxay lagu sheegay in xubnaha sheegaya inay Itoobiya la hadlayaan aysan ka mid ahayn ururka.

Dowladda Itoobiya ayaa muddo dheer dadaal ugu jirtay sidii ay u dhameyn lahayd dagaallada ka socda gudaha dalkaas, waxaana ay horay ula heshiiyeen ururkii xoreynta Somali-galbeed, kaasoo si rasmi ah uga mid noqday xukuumadda Addis Ababa.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya