4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 24, 2012
Dufaan Roobab wadata oo laga baqdin qabo inay Gellinka Dambe ee Maanta ku dhufato Deegaanno ka tirsan Soomaaliya
Isniin, December 24, 2012 (HOL) — Shabakadda Accu-Weather oo ka faalloota saadaasha hawada caalamka oo fadhigeedu yahay dalka Mareykanka ayaa shaacisay in gellinka dambe maanta oo Isniin ah ay duufaanno roobab wata ku dhufan doonaan deegaanno ku yaalla bariga fog ee Soomaaliya.

Duufaantan ayaa magaceeda lagu sheegay tropical cyclone ayaa habeenkii Sabtida ahayd kasoo billaabatay goob qiyaastii 600 mayl dhinaca koonfur-bari kaga beegan deegaanka Raas-caseyr ee Soomaaliya, iyadoo xowliga duufaantu ay ku soconayso lagu sheegay 45 mayl saacaddiiba.

Sidoo kale, saadaashan ayaa lagu sheegay in marka ay dabeylahan roobabka wata soo gaaraan barriga uu xowligoodu hoos u dhacayo uuna socodkooda noqonayo 18 mayl oo keliya saacaddiiba.

Roobab ay duufaantu wadato ayaa ka billaaban doona gellinka dambe ee maanta bariga Soomaaliya kuwaasoo socon doona illaa berri oo Talaado ah. Iyadoo la sheegay in biyuhu ay ka kormari doonaan dhulka qiyaastii laba illaa afar inji oo la mid ah (50 illaa 100 mm), halka deegaannada qaarkoodna ay biyuhu ka sare mari doonaan dhulka qiyaastii lix inji oo u dhiganta (150 mm). 



Duufaantan ayaa la sheegay inaysan saameyn weyn ku yeelanayn Soomaaliya, balse waxay xooggoodu ka dhici doontaa badda, iyadoo qiyaastiina ay ku socon doonto badda dhexdeeda 30 illaa 40 mayl saacaddiiba, taasoo aad uga badan xowliga ay ku socoto marka loo eego berriga.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya