4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 23, 2012
Ciidamada Badda Maamulka Puntland oo Maanta xoog kusoo furtay Markabka MV Iceberg iyo Shaqaalihii Saarnaa

Axad, December 23, 2012 (HOL) — Markabka MV-iceberg oo muddo 3 sano ku dhow ku jirey gacanta burcad-badeedka Soomaalida, islamarkaana ay labadii todobaad ee ugu danbeeyey ciidamada badda ee Puntland ku hareeraysnaayeen, ayaa maanta lagu guuleystey in lasoo furto.

Ciidamada badda ee Puntland ayaa dhowr mar oo hore isku dayey in ay markabkan xoog kusoo furtaan, waxaana iyaga iyo kooxda uu markabku u qafaalnaa dhex maray dagaal sababay dhimashada ugu yaraan 5 qof iyo dhaawaca tiro intaas ka badan.

Taliska ciidamada badda Puntland ayaa shaaciyey warka la xiriira soo furashada markabkan, waxayna intaas raaciyeen in sidoo kale lasoo badbaadiyey dhamaan shaqaalihiii saarnaa, xaaladooduna ay wanaagsantahay, inkasta oo jir dil iyo nafaqo darro ay ka muuqdaan.

Lama oga in arintan wada hadal laga galay iyo in kooxdii burcad-badeedka ahaa ee uu markabkaasi gacanta ugu jirey ay wax madax furasho ah qaateen, mana jiro wax war ah oo arintaas ku aadan oo kasoo baxay dhinaca tasliska ciidamada badda.

MV ICEBERG-1 oo uu ka dul babanayo calanka dalka Panama, islamarkaana laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta, wuxuu gacanta burcad-badeedka Soomaalida galay bishii Maarso ee sanadkii 2010, waxaana saaran 22 badmaax oo u kala dhashay dalalka: Sudan, Yemen, Ghana, Pakistan, Philippines iyo India.

Waana markii ugu horeysey tan iyo markii la asaasay ay ciidamada badda ee Puntland ay xoog kusoo furtaan markab ay burcad-badeedku madax furasho ahaan u haysteen, waxaana xusid mudan in weli deegaano ka tirsan Puntland lagu haysto maraakiib kale oo dhowr ah.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya