4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 23, 2012
Wafdi ka socda hay'adaha samafalka oo booqday Baladweyne iyo askar dhaawac ah oo loo qaaday magaalada Muqdisho

Axad, December, 23, 2012 (HOL) --  Wafdi ka socday hay’adaha samafalka caalamiga ah ee QM ayaa maanta booqday magaalada Baladweyne, iyaga oo sheegay in ay siweyn u daneynayaan sidii ay xafiisyo uga furan lahaayeen magaalada.

Wafdiga oo ka kala socday hay’adda miino baarista ee Mine Action waaxda u qaabilsan QM arrimaha amniga iyo badbaadada ee UNDSS ayaa waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Baladweyne ku soo dhaweeyay mas’uuliyiinta maamulka gobollka uu horkacayo guddoomiyaha gobollka C/fitaax Xassan Afrax.

Xubnaha wafdiga oo kulan la yeeshay mas’uuliyiinta gobollka ayaa sheegay in ay siweyn ula dhacsan yihiin nabad-galyada buuxda ee xiligan ka jirta magaalada, iyaga oo meelaha qaarna socod lugta ah ku maray.

Guddoomiyaha gobollka Hiiraan C/fitaax Xassan Afrax ayaa sheegay in mar walba soo dhaweynayaan hay’addaha samafalka, madaama ay jiraan kumanaan qoysas ah oo waqtigan u baahan in la gargaaro, isaga oo intaa raaciyay in ay kala shaqeyn doonaan hay’addaha sidii ay xafiisyadooda u furan lahaayeen magaalada.

Xubnaha wafdiga ayaa balan-qaaday in ay si rasmi ah howlahoodii shaqo ugu bilaabi doonaan gobollka bisha January ee sanadka soo socda, si markaa ay u fuliyaan adeeg la taaban karo.

Dhinaca kale, waxaa maanta garoonka diyaaradaha magaalada Baladweyne laga qaaday ilaa sadax askari oo ka tirsanaa ciidamada maamulka gobollka Hiiraan oo Jimcihii aynu soo dhaafnay ku dhaawacmay qarax ka dhacay magaalada, iyadoo daaweyn caafimaad loogu qaaday magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha gobollka C/fitaax Xassan Afrax oo warbaahinta la hadllay ayaa sheegay in maamulka uu hogaamiyo muhiimada koowaad siinayo daryeelka ciidamada, madaama ay yihiin sida uu hadalka u dhigay kuwa u taagan heeb iyo maalin ka shaqeynta nabad-galyada, isaga oo mahad celin u jeediyay dowladda Soomaaliya oo balan-qaaday daweynta dhaawaca askari.

Waa markii ugu horeysay oo askar dhaawac ah laga qaaday garoonka diyaaradaha magalada Baladweyne, iyadoo marka dhinac laga eego arintan la oran karo waa mid sare u qaadeysa mooralka ciidamada.

 

 

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected] 
Baladweyne, Soomaaliya.