4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 23, 2012
Xaalad Daganaansho oo laga Dareemayo Deegaanka Buulogaduud kadib duqeymo culus oo xalay ka dhacay
Axad, December 23, 2012 (HOL) — Wararka aynu ka heleyno deegaanka Buulogaduud oo qiyaastii 30KM dhanka waqooyi uga began magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in saaka xaaladda deegaankaasi ay tahay mid dagan, wallow ay xalay ka dhaceen duqeymo culus oo ay is weeydaarsanayeen ciidamada huwanta ah iyo Al-shabaab.

Xoogagga Al-shabaab ayaa lagu soo waramayaa in xalay saqdii dhexe ay weerar madaafiic ah kusoo qaadeen deegaanka Buulogaduud oo ay shalay la wareegeen ciidamada dowladda, kuwa Raaskaambooni iyo Militariga Kenya ee qeybta ka ah AMISOM.

Goobjoogeyaal ku sugan deegaanka Buulogaduud oo aan qadka telefonka kula xiriirnay ayaa inoo sheegay in ciidamada dowladda, kuwa Raaskaambooni iyo militariga Kenya ay ku suganyihiin meel 5 km ka baxsan deegaankaasi.

Ilaa imika ma jiraan warar madax bannaan oo qeexaya khasaaraha ka dhashay duqeymihii xalay deegaankaasi ku dhexmaray ciidamada huwanta ah iyo Al-shabaab.

Saraakiil katirsan ciidamada dowladda oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in xaaladda ay saaka tahay mid dagan islamarkaasina ciidamada huwanta ah ay imika ku suganyihiin deegaanka Baar Zanguuni oo ku dhow tuulada buulogaduud, waxayna sheegeen in aysan jirin wax khasaarooyin ah oo ka dhashay duqeymihii xalay ka dhacay deegaanka Buulogaduud.

Yaasiin Nuur Gaas (Raadeer)  oo kamid ah saraakiisha hogaamineysa ciidamada dowladda ee gobollada Jubooyinka oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay soo afjareen howlgalladii ay ka wadeen gobolka Jubada Hoose, wuxuuna xusay in ay u gudbi doonaan degmooyinka iyo deegaannada ay xoogagga Al-shabaab uga suganyihiin gobolka jubada dhexe.

Masuuliyiinta Al-shabaab ilaa imika kama hadlin ka bixitaankooda deegaanka Buulogaduud iyo weliba duqeymihii xalay ka dhacay halkaasi.

Ciidamada dowladda Soomaaliya, kuwa Raaskaambooni iyo Militariga Kenya ayaa wada howlgallo ballaaran oo ay ku doonayaan in ay kula wareegaan degmooyin iyo deegaanno hor leh oo ka tirsan gobollada Jubooyinka.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya