4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 22, 2012
Dagaal Beeleed ay ku dhinteen in ka badan Afartan qof oo ka dhacay Gobolka Tana-Delta ee Waqooyiga Kenya

Sabti, December 22, 2012 (HOL) — Ugu yaraan 40-qof oo u badan caruur ayaa ku dhintay dagaal beeleed ka dhacay maanta oo Sabti ah gobolka Tana-Delta ee waqooyiga dalka Kenya, waxaana dagaalkan oo ahaa mid beeleed uu dhacay saakay aroortii hore.

Dadka lagu dilay dagaalka ayaa 23 ka mid ah waxay ahaayeen caruur, halka 11 ka mid ah ay ahaayeen rag iyo lix dumar ah, waxaana dagaalkan uu salka ku hayay dagaallo horay uga dhacay degmada Tanarivo oo ka tirsan gobolkan.

Saraakiil ka tisran ciidamada amaanka Kenya ayaa sheegaya in dagaalku joogsaday laguna arkayo deegaannadii uu ka dhacay guryo guban iyo qalabkii lagu dagaalamay oo ay ka mid yihiin faasas, warmo iyo billaawayaal.

"Halkan waan ka barakacaynaa waayo dagaalladu waxay noqdeen kuwo aan dhamaad lahayn," ayay tiri hooyo dhashay afar caruur ah oo xirxiranaysay alaabteeda si ay halkaas uga ambabaxdo.

Booliiska Kenya ayaa sheegay in rabshadahan ay u xireen 56 qof oo uu ku jiro sarkaal ka tirsanaa ciidamada gaarka ah ee dalka Kenya GSU, kaasoo la sheegay in gurigiisa laga helay qori AK-47 ah iyo rasaas fara badan.

Khasaaraha dhimasho ee ka dhashay dagaalkan iyo dagaallo bishii hore ka dhacay isla deegaankan ayaa waxay gaarayaan 100 qof, waxaana beelaha deegaankaas ku dagaalama ay waxay dagaalladoodu salka ku hayaan xoolo cunay dhul beereed.

Dalka Kenya oo lagu wado in horraanta sannadka soo socda ay doorashooyinka madaxdnimo ka dhacaan ayaa la ciir-ciiraya falal ammaan-darro kuwaasoo ay ka mid yihiin qaraxyo ka dhacaya magaalada Nairobi.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya