4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 22, 2012
Dadweyne ka careysan xil ka qaadis lagu sameeyay Maayarka Gobolka Saaxil oo dibad-bax ka dhigay Berbera
Sabti, December 22, 2012 (HOL) — Dadweyne careysan ayaa dibadbaxyo ka dhigay maanta oo Sabti ah magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saalix ee Somaliland, kaddib markii uu madaxweynaha Somaliland xilkii ka qaaday guddoomiyhii gobolka Saaxil, Maxamuud Cali Saleebaan (Rabaax).

Wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha Somaliland, Axmed Siilaanyo ayaa lagu sheegay in xilkii laga qaaday guddoomiyihiin Saaxil Maxamuud Rabaax, iyadoo xilkaas loo magacaabay, Cali Maxamed Cilmi. Waxaana wareegtada lagu sheegay in xilku uu yahay mid meerto ah oo kolba qof loo dhiibayo.

"Dadweyne badan ayaa isugu soo baxay magaalada Hargeysa, waxaana ku jiray ardayda dugsiyada, waxay xirneen waddooyinka oo dhan iyagoo qaylinaya," ayaa laga soo xigtay goobjoogayaal ku sugan degmada Berbera.

Mudaaharaadayaasha ayaa waxaa ku jiray dad waaweyn, waxaana dadkani ay u sheegeen warbaahinta inay ka caroodeen xil ka qaadista guddoomiyaha gobolka Saaxil, iyadoo dibadbaxu uu saameyn ku yeeshay howlihii ganacsiga magaaladaas.

Ciidamada ammaanka ayaa isku dayaya in xiisada oo weli taagan ay dejiyaan waxaana qayb ka ah howsha dajinta xiisada duqa magaalada Berbera iyo maareeya dekedda Berbera.

Dibadbaxan ay dhigeen dadweynaha ku nool degmada Berbera oo 180-km dhinaca waqooyi kaga beegan magaalada Hargeysa ayaa noqonaya kii ugu horreeyay noociisa ay shacabku dhigaan iyagoo ka careysan mas'uul xilka laga qaaday.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya